Xasan Sheekh oo sheegay in Farmaajo uu dalka geliyay xaalad mugdi ah

0
Monday February 08, 2021 - 10:56:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo sheegay in Farmaajo uu dalka geliyay xaalad mugdi ah

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh




Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah ee la galay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

 

Qoraal uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka Soomaaliya geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka.

 

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya leedahay shacab iyo haldooro ka samata bixin kara xaaladda adeg ee dalka la geliyay, kadib markii uu xalay uu ku ekaa muddo xileedka Farmaajo oo Maanta kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017 la doortay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay xasillooni iyo aragtiwadaag, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara xilliigaan adeg ee laga galay khalalaaso siyaasadeed.

 

"Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Saqdii dhexe ee xalay markii saacada ku dhacday 12:00 habeenimo saqd dhexe ayaa waxaa degmooyinka Gobolka Banaadir laga maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamo la sheegay inay ka tirsan dowladda, kuwaasi oo rasaasta kor u ridayay, waxaana rasaasta lagu aadiyay markii uu dhammaaday muddo xileedka Farmaajo.


Loading...
Loading...