Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya?
Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya
Dr. Abiy Ahmed ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dawlada federaalka ah ee
soomaaliya Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo safar ku tagay Addis Ababa.
War ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha
Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ee Soomaaliy iyo Itoobiya ay ka
wada hadleen afar qodob oo muhiim ah.
Warka ayaa intaas raaciyey in kulanka labada hogaamiye layskula soo qaaday hirgelinta heshiiskii ay hore u saxeexeen ee nabada gobolka, in la hagaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya Kenya iyo soomaaliya oo haatan aan wanaagsanayn, in si wada jir ah loo soo wado horumarinta dekedaha wadaaga ah iyo xidhiidh dhexmara somaliland iyo soomaaliya oo lagu sheegay mid muhiim u ah taageerada nabada gobolka.