Maxaad Ka Ogtahay Fiiimka Al-Risaalah

0
Monday February 08, 2021 - 09:59:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Fiiimka Al-Risaalah

    W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

Filimka Al-risaalah, was mid kamida filimada ugu caansan uguna daawashada badan caalamka islaamka, waxa kale oo intaa u dheer in lagu turjumay luqado kale oo ajaaniba sida luqadda ingriisiga.



Filimkan waxaa hal abuurkiisa lahaa Mustafe Caqaad (01/07/1930 - 11/11/2005) oo udhashay wadanka Suuriya, isku dubaridkiisii iyo soo saaridiisuba waxay qaadatay muddo 6 sanadood ah, wuxuuna soo baxay sanadkii 1976.


Fiiimka Airisaalah waxaa lagu maalgeiliyay

$10.000000 ( toban miiiion oo dollar) waxaana laggu matalay dalka Marooko iyo dalka Libya.

 

inkastoo si farshaxan leh looga shaqeeyay hadana waxaa dhex hoganaya qaladaad diiniya oo isugu jira kuwo caqiidadeena taabanaya iyo kuwo taariikheed oo aan sugnayn.

 

Filimkani oo ka sheekeeynaya Siiradii nabiga iyo dagaaladii ay galeen, waxaan jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo xogaha ku saabsan filimkan ee la xidhiidha cida filimkan samayntiisa ka danbaysay, khaladaadka xagga aqiidada iyo dhacdooyinka taariikhiga ah ee lagu badhxay been abuurka ee ku jirra filimka Al-Risaalah:

 

1-      Filimkan waxaa Samayntiisa iska leh Shiicada Raafidada ah, waxaana tixraac (marjac, Referance) u ah Golaha islamiga ee Shiicada Labnaan.

 

2-      Filimka kama muuqato kaalintii ay ku lahaayeen marnaba Abubakar iyo Cumar ilaahay raali haka ahaadee taariikhdii islaamka iyagoo ahaa dadkii ugu dhawaa Rasuulka salalaahu calayhi wasalam oo haday tahay fidintii diinta iyo jihaadkiiba ku wehelinaayay.

 

3-      Filimka waxaa ku jira in marka abu sufyaan iyo ay wada hadlayaan Camaar ibnu yaasir uu ku odhanayo Abu sufyaan waxaad tidhaahdaan ilaahay meel kastaba wuu joogaa I hadalkaa kama jawaabaayo Camaar,

hadalkaasi waxa uu si toosa uga hor imanayaa Caqiidada ehlu sunnaha waayo inagu ma aaminsanin in ilaahay daatadiisu joogto meel waliba, balse waxaa ehlusunuhu aaminsanyihiin in ilaahay carshiga ka koreeyo daata ahaan oo ka sareeyo oo ka soocan yahay Khalqiga uu abuuray, fikirka ah in ilaahay meelwaiba ku jiro sida geedaha, xayawaanka, musqulah iWM waa fikir ay qabaan oo ay aaminsanyihiin Shiicada iyo kiristaanka qaarkii.

 

4-      Filimka waxaa ku soo arooray in Hinda bintu Cutbah ay kula heshiisay ninka la yidhaa Waxshi in uu dilio Xamse Cabdi Mudalib ilaahay raaili ha ka ahaadee oo ay cuntay beerkii Xamse markii İa dilay, abaal marinna uga dhigtay in ay xorayso siisana dahab u dhigma, dhab ahaan qisadani ma sugna waayo Ninka Waxshi muu ahayn adoon ay leedahay Hinda Bïntu Cutbah ilaahay raali ha ka ahaadee, wuxuuse ahaa adoon uu leeyahay ninkii la odhan jïrray Jubayr ibnu Mudcim isagaana amray in uu u aaro adeerkii Ducaymata ibnu Cadiyi oo ahaa ragii la diliay dagaalkii Beder.


Sheekadan odhanaysa Hinda baa amartay markii la dilayna beerkiisa ayay cuntay waxaa laga soo guuriyay Ninka la yidhaa Abu Caİi Alfadi ibnul Hasan aldabrasi kitaabkiisa (majmacu Albayaan iyo shajaratu duubaa) wuxuuna ahaa shiici been abuurka ku talax tegay ruwaayaadka uu ku sheegayaana waa daciif sanad iyo matniba oo ma sugna, ehlu sunnuhuna way beeniyeen oo inkireen sugnaanshaha qisadan uu Hïnda ka sheegay.

 

5-      Filimku wuxuu tilmaamayaa in uu Abaa daalib ahaa Muslim, kuna baaqaayay in ilaahay la kaliyeeyo oo kaligii la caabudo, arintani ma sugna oo sax maaha balse Abudaalib waxa uu ku dhintay gaailnimo sida ku cad xadiiska ay ka werinayaan


Abuhurayrah (Bukhaari, Musuiim, Tirmidi, Nisaa i) ee uu yidhi I Markii ay geeridu u timi Abudaalib waxaa u yimi Rasuuika Salalaahu walayhi wasalam: wuxuu ku yidhi


I Adeerkayow dheh Alah xaq lagu caabudaa ma jiro ilaahay mooyaane aan markhaati kaaga noqdee maalinta qiyaamah e  wuxuu Abudaalib ugu jawaabay Rasuulka ll hadaan qureyshi igu ceebaynaynin oo aanay odhanaynin xanuunkii waxaan ahayn uma gaynin arinkaas waan odhan lahaa si aad ugu indha doogsato adigu, Rasuuikuna waa ku celceliyay arinkaas balse waxa uu ku adkaystay in uu gaalnimadiisii ilaa uu ka dhintay sida riwaaydku saxiixa ahi sheegayaan, ilaahayna waxa uu dhacdadaa

 

ku soo dejiyay aayada quraanka ah :

 

 

6-      Filimku wuxuu ka dhigay in Abujahal uu ku dhacay waran aan la aqoon cida ku gantay oo uu u dhintay balse sida saxiixa ah waxaa dilay laba saxaabi oo dhalin yaro ahaa oo kala ahaa:

1- Mucaad ibnu Camar ibnu Jamuux

2- Mucawad ibnu Cafraa ilaahay raaii ha ka noqdee.

 

7-      Filimku wuxuu dhacdadii godkii Rasuulka iyo Abubakar markay hijroonayeen galeen ku lifaaqayaa qisadii sheegaysay in ay caaro(^s»*=*!) iyo qoolaydu (•>***=*!) dabooshay godka afkiisa, qisadaas oo axaadiista ku soo aroortay ay daciiftahay oo aanay sugnayn sida ay Culimada muxaqiqiintu kutubtooda ku cadeeyeen.

 

8-      Waxa fiimku soo saarayaa saxaabada oo aan gadh lahayn iyadoo aan ognahay in Rasuulka salalaahu calayhi wasalam uu amray in ay gadhka la baxaan.

 

9-      halka uu fiimku gaalada iyagana soo saaray iyagoo gadhadh waawayn oo si xun loo muujinayo uu soo saaray taas oo si dadban loogu dhaleecaynayo gadhka iyo cidii la baxda.

 

10-    Filimku wuxuu muujinayaa tooraydii uu Abii Lu lua Almajuusi ( oo ahaa ninkii diliay Cumar ibnu khadaab) Iiaahay naxariistiisa ha ka fogeeyee oo laba af leh, taas oo ay shiicadu ku amaanaan kuna sheegaan in ay tahay seeftii Cali ibnu Abii Daalib ilaahay raaii ha ka noqdee, balse seefta Cali waxay lahayd af qudha waxaana lagu magacaabi jiray Dulqafaar.

 

11-    Filimka Calamada ay wataan ciidanka nabiga waxaa lagu xardhay( =•== •+"! <! '**! < '*-*"! g»•u) taas oo aan sugnayn marnaba.

 

12-    Filimka macluumaadka uu ku dhisan yahay waxaa laga soo raray oo minguuriyay kutubta iyo tafaasiirta Shiicada sida:

waxaana sidaynu soo sheegnay tixraac( Reference) u ahaa golaha islaamiga

ee Shiicada Labnaan.

 

Hadaba waxaa muhiima in dhug ioo yeesho isha aqooneed ee laga qaadanayo taariikhda iyo siirada Rasuulka lana hubiyo saxnimada iyo sugnaanshahooda oo aan lagu kadsoomin sheekooyinkii iyo taariikhaha la wariyo ee laga soo minguuriyay kutubta ay qoreen dadka khilaafsan ehlu sunnaha.

 

iiaahay xaqa ha ina waafajiyo@

Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...