Biden oo sheegay in aanu Iran cunoqabatayna ka qaadayn si wadahadal loola bilaabo

0
Monday February 08, 2021 - 08:09:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden oo sheegay in aanu Iran cunoqabatayna ka qaadayn si wadahadal loola bilaabo

    Biden oo sheegay in aanu Iran cunoqabatayna ka qaadayn si wadahadal loola bilaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biden oo sheegay in aanu Iran cunoqabatayna ka qaadayn si wadahadal loola bilaabo


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in aanu cunaqabataynta dhaqaale ka qaadi doonin Iran hadii aanay fulin qodobada heshiiskii nukliyeerka ee la saxeexay 2015.


Biden ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka CBS News oo la baahiyey Axaddii.

Laakiin hogaamiyaha sare ee Iran, Aayatullaah Cali Khamenei, ayaa sheegay in Teharan aanay heshiiskaa u hogaansami doonin ilaa inta Maraykanku marka hore ka qaadayo cunoqabataynta dhaqaale.

Hesiiskan la gaadhay 2015 ayaa dhigayey in Iran xadido barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay arintaa ku bedelato cunoqabataynta oo laga debciyo.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa se Maraykanka ka saaray heshiiskaa 2018 waxaanu dib ugu soo rogay cunoqabataynta, arintaas oo dhalisay in Iran ka noqoto fulinta qodobo dhawr ah oo heshiiskaasi dhigayey.

Iran oo sheegta in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo ayaa tan iyo waagaa kordhinaysay xaddiga Yuuraaniyamta ay tayeyso. Yuuraaniyamka la tayeeyo ayaa loo adeegsan karaa tamarta wershadaha nukliyeerka, laakiin waxa sidoo kale loo adeegsan karaa in laga sameeyo qumbulado nukliyeer ah.
Joe Biden

Heshiiskaa la gaadhay 2016 oo ay kala saxeexdeen Iran, Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Ingiriisku ayaa Tehran ku ogolaanayey in ay xadido tayaynta Yuraaniyamkeeda oo ay u ogolaato kormeerayaal caalami ah xarumaheeda nukliyeerka.

Arintaana waxay Iran dhaafsanaysay oo ku helaysay in laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

Laakiin Trump ayaa ka saaray Maraykanka heshiiskaa , ujeedadiisuna ahayd in uu Iran ku dirqiyo in ay heshiis cusub oo kii hore ka duwan saxeexdo waxaanu ku soo celiyey cunoqabatayntii.

Iran way diidday arintaas. Bishii Juulaay ee 2019 ayay iyaduna jebisay heshiiskaas oo dhigayey in ay xaddiga tayeynta Yuraaniyamkeeda aanay dhaafinin 3.67% waxaanay bishii Jeeniweri ee sannadkan shaacisay in ay gaadhsiinayso xadiga tayeynta Yuraaniyamkeeda 20%.

Muuqaal kooban oo hordhac ahaa oo la baahiyey intaan waraysiga uu bixiyey Biden oo dhamaystiran la sii daynin, ayaa waxa uu muujinayey su'aal la weydiiyey oo ahayd bal inuu cunoqabataynta dhaqaale ka qaadi doono Iran si taasi u sahasho in Iran miiska wadaxaajoodka ku soo noqoto waxaanu ku jawaabay "maya".

Maxaa kale ee Bidan Sheegay?

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Maraykanka iyo Shiinaha.

Wuxu sheegay in aanay jirin sabab Washington u qaado talaabo si toos ah isaga hor keenaysa Beijing, laakiin labada dhinac uu dhex mari doono waxa uu ku sheegay "tartan adag" oo ay ku gelayaan fagaaraha dhaqaalaha caalamiga ah.

Biden waxa uu sheegay in aanu la hadlin dhigiisa Shiinaha, Xi Jinping, tan iyo intii uu xilka madaxtinimada la wareegay bishii hore hase yeeshee aanay waxba iska bedelin aragtidiisa ku waajahan Beijing.

"Waa nin caqli badan oo adag" ayuu yidhi Biden oo ka hadlayey Xi, waxaanu intaa ku daray waa nin "aan haba yaraatee dhiigiisa laga helayn dhibic yar oo dimuqraadiyad ah".

Loading...
Loading...