Dowladda Sudan Oo Diginin U Jeedisay Ethiopia

0
Sunday February 07, 2021 - 09:11:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sudan Oo Diginin U Jeedisay Ethiopia

    "Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia"

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.




Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.


Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xiriirta muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.


Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay horay sheegtay in tallaabadaasi ay qatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaaro inta aysan Addis Ababa tallaabo u qaadin arrimkaasi.


VOA


Loading...
Loading...