Musharax Guuleed Afgaab Oo Dadweynaha Gobolka Togdheer U Sameeyey Balanqaad Noloshooda Taabanaya Iyo Soo Dhaweyn Culus Oo Lagu Qaabilay+Sawiro

0
Saturday February 06, 2021 - 23:13:27 in News by
  • Visits: 2423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Guuleed Afgaab Oo Dadweynaha Gobolka Togdheer U Sameeyey Balanqaad Noloshooda Taabanaya Iyo Soo Dhaweyn Culus Oo Lagu Qaabilay+Sawiro

    Musharax Guuleed Afgaab Oo Dadweynaha Gobolka Togdheer U Sameeyey Balanqaad Noloshooda Taabanaya Iyo Soo Dhaweyn Culus Oo Lagu Qaabilay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Guuleed Afgaab Oo Dadweynaha Gobolka Togdheer U Sameeyey Balanqaad Noloshooda Taabanaya Iyo Soo Dhaweyn Culus Oo Lagu Qaabilay+Sawiro

Burco(HWN):-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Musharax Xuseen Guuleed Jaamac(Afgaab) oo u tartamaya golaha wakiilada somaliland.


soo dhawaynta musharax Guuleed Afgaab ayaanay u kala hadhin qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Togdheer kuwaas oo ay ka dhex muuqdeen aqoonyahanka, dhalinyarada,haweenka iyo waxgaradka gobolkaasi.

dhalinyarada magaalada Burco ayaa kalmado soo dhawayn ah oo ay iska daba mareen waxay ku qaabileen musharax Guuleed Afgaab oo ay u balanqaadeen inay la garab joogaan taageeradooda, iyaga oo sheegay inuu ka mid yahay musharixiinta haldoorka ah ee ay rajada ka qabaan shacabka gobolka Togdheer.

Musharax Guuleed Afgaab oo dadweynihii soo dhaweeyey la hadlay ayaa ka waramay qodobo muhiim ah oo taabanaya xaalada gobolka togdheer iyo balamo uu la galay dadweynaah gobolkaasi.
musharax Guuleed Afgaab oo la hadlaya dadka soo dhaweeyey ayaa waxa uu yidhi "Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku soo laabta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer aniga oo u mahad celinaya dhamaan bulshada gobolka, ururada bulshada,xisbiyada siyaasada, ururada haweenka, ururada dhalinyarada, xildhibaanadad iyo masuuliyiinta gobolka togdheer."

Musharax Guuleed Afgaab waxa uu ka hadlay muhiimada ay shacabka u leeyihiin doorashooyinkani "Doorashada sida rasmiga ah u khusaysa bulshada waa deegaanada iyo wakiilada, doorashada madaxtooyada oo sadex nin oo kaliya sharaxan yihiin marka ay shanta sanadood dhamaadaan waxa lagu daraa mudo yar oo cidhiidhi ah, maanta waa ilaahay mahadii mar hadii jawi doorasho la galay oo waxa la sugayaaba ay tahay doorashadii."

dadweynaha gobolka Togdheer ayuu musharax Guuleed Afgaab dardaarano kala duwan faray isaga oo codkoodana ku waydiistay goobtaas fagaaraha ah "Waxa laydiinka baahan yahay inaad samir iyo dulqaad u yeelataan inaad doorataan qof kasta oo aad waxtar iyo xilkas ku tuhmaysaan aniguna si gaar ah ayaan codkiina idiin waydiisanayaa, waxaanan rajaynayaa inuu ilaahay iga dhigo 15 xildhibaan ee gobolka Togdheer ku matalaya golaha qaranka, noqon maayo nin deegaan gaar ah iyo tuulo gaar ah iyo degmo gaar ah ku koobnaado balse waxaan matali doonaa inta ay ugu hoosayso gobolka Togdheer."

sidoo kale musharax Guuleed Afgaab waxa uu shacabka Togdheer u sameeyey balanqaad miisaan leh oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha gobolka waxaanu mar kale yidhi "Somaliland waxay maanta u baahan tahay hiil sharci, gobolka Togdheer-na waxa uu u baahan yahay hiil sharci waxaanad ka warqabtaan in gobolka Togdheer ay ka xidhan yihiin kaabayaashii dhaqaaluhu sida madaarkii, waxaad ka warqabtaan in dekedii qalalnayd ee magaalada Burco oo ahayd sayladii xoolaha kana cashuur badnayd guud ahaan gobolka Saaxil inaan maanta lagu cashuurin, waxaanu gobolku u baahan yahay in wax laga qabto xeerarka caqabada ku ah dhaqaalihii, waxaanan idiin balanqaadayaa inaan wax ka qaban doono xeer kasta oo caqabad ku ah gobolka iyo dhaqaalaha somaliland."

May be an image of one or more people, people standing and road
May be an image of 4 people, people standing and suit
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 7 people, people standing, suit, tree and outdoors
May be an image of 7 people, people standing, suit, tree and outdoors
May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 7 people, child, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, horse, tree and outdoors
May be an image of 1 person, standing, horse and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people standing and outdoors
May be an image of 7 people, child, people standing and outdoors

May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people sitting, people standing, horse and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 12 people, people standing and outdoors
May be an image of 13 people, beard, people standing and outdoors
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing, tree, outdoors and text that says 'FB'
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and road
May be an image of 8 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 1 person, standing, horse and outdoors
May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 11 people, people standing and outdoors
May be an image of car and road
May be an image of one or more people, people walking, people standing, road, tree and text that says 'HA1: FUTURE BROTHERS'
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and road
May be an image of 4 people, people standing and suit

Loading...
Loading...