Maanso . Allahayaw Maxay Noqon

0
Thursday May 02, 2019 - 09:42:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso . Allahayaw Maxay Noqon

    Maanso. ALLAHA YAW MAXAY NOQON

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanso. ALLAHA YAW MAXAY NOQON

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxaan arkay tii wasiirnimo ahayd

Oo ilmaynaysa waar ma dhegaysanaysay wsiirkii cirada lahaa

Ee gudoomiye CIRRO ku lahaa gunbaad tay.

Kordhiye . saaxiib waan maqlaayay laakiin lamaan yaabin waan ku

Qoslay cisho horana waa kii lahaa kursigii anagaa ku fadhina

Dabeed waxaan ku sii qoslay isagoo ay gurigiisa tahay waxa uu

CIRRO ku sheegay waxa aan xasuustay ALLA HAW NAXARIISTEE

Murti uu tiriyay IBRAAHIN GADHLE oo ahayd yamyam yaa gob

Sheegtoo annakana gun nagu yidhi immika tiibuu ka dhiganyay.

Waa maansadii . ALLAHA YAW MAXA NOQON

Maba doonto maansada haddaan

Marinku toosnayne

Kolka ay murkacataan idhaa

Malaha soo eege

Xaajadan maroorka ah bal aan

Manta qalin saaro

Madax weyne reeraa qabsaday

Mawdku tuu dhalaye

Inuu manta joogay ahayd

Maxamed keediiye

Waa mujaahid beeniyo intii

Mooska daba jiiftay

.

Midabkeedi dahabee wacnaa

Waa kan maarta ,ahe

Macaluusha gobol qudha ka bi,i

Mooradii timiye

Anna waa markaygii ayay

Xaajo maraysaaye

Mugdibaa la galay oo dalkii

Madax wareer qaadye

Mawla hayna baajee waw egtahay

Maalmihii tegaye

.

Maskaxdoo shaqaysaa dalkani

Maaxan laa nabadii

Tobankaa malloolaan iyagu

Madhax ureebaynin

Miyir kabbo haddii aan la odhan

Malafsi taagnaaye

ALLAHA yaw maxay noqon intaa

Mawjad caranaysa

ALLAHA yaw maxay noqon raggaa

mudaca deyn waayay

Allaha yaw maxay noqon ku waa

Maqal waxaa diiday

ALLAHAYAW. MAXAY NOQON HASHAA

KELI LA MAALAAYO

ALLAHAYAW MAXAY NOQON

MULAC YADAA AAR IS WADA MOODAY.



ABWAAN . GUULEED LIIBAAN SNM 1710@LIVECOM

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...