Shirkii Magaalada Dhuusamareeb Uga Socday Madaxda Somalida Oo Burburay

0
Saturday February 06, 2021 - 08:44:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Magaalada Dhuusamareeb Uga Socday Madaxda Somalida Oo Burburay

    Maxaa Sababey Burburka Shirkii Dhuusamareeb?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababey Burburka Shirkii Dhuusamareeb?

Waxaa Natiija la,aan ku soo gabgaboobey Shirkii magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeyey dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada. Qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey ayaa ahaa Arrinka gobolka Gedo.

 

Beesha caalamka ayaa dadaal balaaran gelisey sidii uu kulanka Dhuusamareeb u noqon lahaa miradhal, xal looga gaaro nidaamka doorashada Soomaaliya oo markii ugu horeysey mudo 20 sano ah uu mugdi soo galey suurtagalnimada sida doorasho loo dhan yahay ay ku dhici karto.

 

Dhinaca kale, waxaa xaley fariimo loo direy mudanayaasha Baarlamanka oo loogu sheegayo in ay kulan isugu yimaadaan saaka taasoo uu madaxweynuhu codsadey, lamana sheegin waxa uu madaxweynuhu kala hadli doono. waxaa xaley laga dareemaayey magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan kulan la filayo inuu madaxweynuhu ku hor yimaado Baarlamanka mudo xileedkiisu dhamaadey.


Loading...
Loading...