Xannuunka Dengue Oo Ka Dillaacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
Friday February 05, 2021 - 23:27:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xannuunka Dengue Oo Ka Dillaacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

    "Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday"

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qeeyba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.




Ilaa iyo 207 xaaldood oo looga shakiyay inuu xannuunkaasi yahay ayaa ilaa iyo hadda laga soo weriyay gobollada Dolo iyo Liibaan.


WHO waxay sheegtay in la sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baaritaannadaasi lagu sameynaya shaybaar ku yaalla Hawassa.

Deegaannaadaasi ayuu isla xannuunkan Dengue horay uga dillaacay sannadihii 2017 iyo 2018.


"Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday iyo barakaca ayaa sabab u ah kiisaska kordhay ee xannuunkan Dengue ee degmooyinkaasi", ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay WHO


Hay'adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.


"Waxaan ku baaqeyna in dowladda ay si waddo doorkeeda hoggaamineed iyo tallaabooyinka lagu hubinaya fayadhowrka caafimaadka dadweynaha si loo joojiyo faafitaanka xumadda Dengue", ayuu yiri Dr Boureima Hama Sambo oo ah madaxa WHO ee Itoobiya.


Waa maxay xannuunka Dengue?

Xannnuunkan ayaa ka dhasha fayraska oo caan ku ah dhulalka kuleylaha, wuxuuna sababaa xumad badan iyo calamaadaha sida kuwa hargabka oo kale ah. Wuxuu ku faafaa qanniinyada nooc ka mid ah kaneecada oo caan ku ah inay dadka qaniinto gaar ahaan xilliyada fiidkii iyo subixii. Kaneecadan oo ah nooca loo yaqaanno Aedes aegypti ayaa gabbaad ka dhigata, ukumana ku reebta walxaha lagu shubta biyaha sida foostooyinka iyo jiirkaannada.

 

BBC

 

Loading...
Loading...