Maraykanka Oo Soomaaliya Dib Ugu soo Celiyey Ciidammadiisa Uu Dhawaan Kala Baxay

0
Friday February 05, 2021 - 23:25:54 in News by
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Soomaaliya Dib Ugu soo Celiyey Ciidammadiisa Uu Dhawaan Kala Baxay

    Maraykanka Oo Soomaaliya Dib Ugu soo Celiyey Ciidammadiisa Uu Dhawaan Kala Baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Soomaaliya Dib Ugu soo Celiyey Ciidammadiisa Uu Dhawaan Kala Baxay


Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM, ayaa go’aansaday inay dib u soo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga fal-celiyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Maraykanka.




Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, ayna doonayaan inay ka hor tagaan khatar walba oo timaadda.

Ciidamadan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxayna u soo duuleen dhanka Soomaaliya.

Jennifer Mykins ayaa tidhi: "Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Millatari, la shaqeynta taliska Mareykanka AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar ka soo baxay Madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump, ayaa Soomaaliyga lagaga saaray ku dhawaad 700 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inaanu joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.



Loading...
Loading...