Somaliya Oo Ka Qayb Gashay Shir Ay Yeesheen Wasiirada Qorshaynta Ee Dalalka Carabtu.

0
Friday February 05, 2021 - 09:49:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Ka Qayb Gashay Shir Ay Yeesheen Wasiirada Qorshaynta Ee Dalalka Carabtu.

    "Kulankan oo ahaa mid looga arinsanayay qorshayaasha horyaala midowga Wasaaradaha Qorsheynta Carabta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulankan oo ahaa mid looga arinsanayay qorshayaasha horyaala midowga Wasaaradaha Qorsheynta Carabta"

Muqdisho (HWN) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta Aaladda fogaan arraga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Qorsheynta dowladaha Carabta, kaas oo ay ka soo qayb galaan Wasiirada Qorsheynta ee dalalka Carabta.

 

Wasiir Jamaal ayaa ka warbixiyay horumarada dalka uu ku tallaabsaday sannadahii u dambeeyay, waxuu sheegay in ay door muhiim ah  dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto shaqooyinka wanaagsan ee Machadka uu hayo, maaddaama Dowladda Soomaaliya la wareegi doonta shir guddoonka Machadka labo sano kadib, sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay Machadka Qorsheynta Carabta dadaalada isku xirinaashiyaha ee uu wado.

 

Kulankan oo ahaa mid looga arinsanayay qorshayaasha horyaala midowga Wasaaradaha Qorsheynta Carabta ayaa la isla gartay in Soomaaliya ay shir guddoomiso guddoonka Wasaaradaha Qorsheynta Carabta laba sano kedib


Loading...
Loading...