Toddobo Arrimood Oo Ay Bulshada Rayidka Ugu Baaqeen Madaxda Ku Shiraya Dhuusamareeb

0
Friday February 05, 2021 - 09:20:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toddobo Arrimood Oo Ay Bulshada Rayidka Ugu Baaqeen Madaxda Ku Shiraya Dhuusamareeb

    "In aan shirka aan loo kala kicin ilaa laysku fahmo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In aan shirka aan loo kala kicin ilaa laysku fahmo."

Isutagga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkada ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxayna "baaqyo muhiim ah" u jeediyeen ka qeyb galeyaasha shirkaas.



War-saxaafadeed ay galabta soo saareen Bulshada Rayidka ayey ku dhaheen: "Waxaan ogsoonahay in shirarkii Dhusamareem 1,2,3 iyo kii Muqdisho ay hoggaamiyayaasha talada isku koobeen iyadoo dalku ku jiro marxalad adag ay u muuqato in aysan fursad siinin dadka talada wax ku lahaa shirka Dhusamareeb uga furmey.


"Si kastaba ha ahaato ka qayb galayaasha shirka Bulshada Rayidka waxa ay hoosta ka xariiqeen dhibaatooyinka dhinaca bani'aadanimo ee ka jira meelo kala duwan ee dalka waxa ayna welwel ka muujinayaan in iyadoo ay dhamaanayaan muddo xileedka hay'adaha dastuuriga ay dhalan karta dhibaato degenaansho la'aan siyaasadeed, sii socoshada dhibaatooyinka bani'aadanimo iyo niyadjab weyn ku yimaado dadka Soomaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda kuwaas oo ku jirey dadaalka dib u dhiska dalka."


Beesha caalamka ayey uga mahad celiyeen sida ay isugu howshay xal u raadinta khilaadka ka dhaxeeya madaxda Soomaalida ee ku saabsan doorashada.


Baaq ka kooban toddobo qodob ayey Isutagga Ururrada Bulshada Rayidka u jeediyeen hoggaamiyeyaasha hadda ku sugan shirkada Dhuusamareeb:


  • In aan shirka aan loo kala kicin ilaa laysku fahmo.
  • Si shirka heshiis dhab ah looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September waxaa lagama maarmaan ah in shirka la ballaariyo.
  • In jadwal dooraasho waqtiyeysan uu ka soo baxo shirka.
  • In guddiga xalinta Khilaafadka loo daayo go'aan ka gaarista waxyaabaha laysku qabsado ee la xiriira doorashada xubnihiisana lagu daro xubno khuburo ah kana yimaada Bulshada sida culimada, ganacsatada, aqoonyahano iyo indheergaradka.
  • Bulshada rayidka waxay diyaar u tahay la socodka iyo korjoogteynta hirgelinta heshiiska doorashooyinka iyo soo gudbinta warbixinno suggan sidaas darted waxaan soo jeedineyna in bulshada rayidka loo xilsaaro korjoogteynta doorashooyinka.
  • In la xaqiijiyo qoondada haweenka ee 30%.
  • In la qabto shir ballaaran oo looga arrinsado sida looga gudbayo marxaladda kala guurka, iyo siyaalaha wax looga qabanayo xaaladaha aadminnimo iyo kuwa amni xumo ee ka taagan dalka, lagana fogaado wax kasta oo xaaladaha uga sii darayaa ama aan rajo gelinayn dadka Soomaaliyeed.

Baaqa kasoo baxay Bulshada rayidka ayaa kusoo aaday saacado yar kaddib markii Golaha Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha ee mucaaradka ay muujiyeen cabashadooda ku aaddan in shirkaas laga qeyb galin waayay, sidoo kalena ay dalbadeen in dowladda aysan sameysanin muddo kororsi.

 

BBC

Loading...
Loading...