Musharax Kulmiye Laga Soo Eryey Oo Waddani Qaatay Iyo Sadex Musharax Oo Hogaanka Waddani Kala Saarayo

0
Thursday February 04, 2021 - 21:25:52 in News by
  • Visits: 3271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Kulmiye Laga Soo Eryey Oo Waddani Qaatay Iyo Sadex Musharax Oo Hogaanka Waddani Kala Saarayo

    Musharax Kulmiye Laga Soo Eryey Oo Waddani Qaatay Iyo Sadex Musharax Oo Hogaanka Waddani Kala Saarayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Kulmiye Laga Soo Eryey Oo Waddani Qaatay Iyo Sadex Musharax Oo Hogaanka Waddani Kala Saarayo

Hargeysa(HWN):-Xisbiga Waddani oo markii ugu horaysay kala xulanaya sadex musharax, awoodiina kala wareegay odayaasha madax dhaqameedka ah.

Musharax laga soo eryey xisbiga Kulmiye oo u taagan golaha wakiilada oo ay aqbaleen ayey hogaanka Waddani soo xulayaan musharixii ay isku deegaanka ahaayeen oo dawlada hoose u sharaxnaan doona.
No description available.



Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa aqbalay musharaxnimada Yuusuf Siciid oo hore looga soo eryey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

hogaanka sare ee xisbiga Waddani ayaa ansixiyey musharaxnimada Yuusuf Siciid oo badal u noqon doona xildhibaan Nacnac balse waxa dib loo dhigay aqbalaada musharaxa golaha deegaanka oo ay isku hayaan sadex musharax oo kala ah Yuusuf Sooraan, Sacad Xariir iyo Cabdiraxmaan Axmed Aden.

hogaanka xisbiga Waddani ayaa ku wargeliyey sadexdan musharax ee golaha deegaanka u taagan in iyagu ay kala saari doonaan isla markaana ay qaadan doonaan musharaxa aqoon ahaan ugu fiican ee waaya aragnimana u leh shaqada taala dawlada hoose, Musharax Yuusuf Sooraan ayaana ah midka ugu dhaw ee la filayo inuu buuxiyo shuruudaha ay hogaanka xisbigu ku xulanayaan musharaxa ay u arkaan inuu booskan ku haboon yahay.

sidoo kale hogaanka xisbiga Waddani ayaa ku wargeliyey madax dhaqameedka sadexdan musharax ee ay kala saarayaan inaanay dood ka keenin natiijada ka soo baxda xulashadooda, iyada oo madax dhaqameedkuna ay ku raaceen.

waa markii koowaad ee xisbi siyaasadeed uu kala saarayo musharixiin isku boos u sharaxan isla markaana ka soo wada jeeda deegaan isku mid ah, iyada oo inta badan ay xulashada soo dhameeyaan madax dhaqameedka beeluhu isla markaana xisbiyada loo keeno musharixiin laysku waafaqsan yahay.

 
Loading...
Loading...