Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

0
Thursday February 04, 2021 - 21:13:57 in News by
  • Visits: 3307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

Hargeysa(HWN):-Alle ha naxaristo, qabrigana ha u nuuro Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo Turkiga ku Geeriyooday.


Xildhibaanku, waxa uu ka mid ahaa Mudaneyaasha ka soo jeeda Gobolka Sanaag, waxaanu ahaa Alle ha naxariistee Mudaneyaasha aan dooddooda la gaban ee inta badan ka hadli jiray baahiyaha ka taagan deegaannada Bariga Sanaag ee laga soo doortay.

Saddexdii Xukuumaddood ee u dambeeyey, waxa uu dhawr jeer ku dhaliilay sida aanay adeegga dawladnimo u gaadhsiinin Gobollada Bariga, waxaanu ahaa Mudane inta badan sheegin jiray in aanay deegaannadooda waxba ka gaadhin lacagta 2%-ka ahayd ee Miisaaniyadda looga qoondeeyey horumarinta gobollada Bariga.

ALLE ha naxariisto, Qabrigana ha u waasiciyo, Eheladii iyo Qoyskii uu ka tegayna samir iyo Iimaan ha ka siiyo.
Image result for xildhibaan bulqaas

Loading...
Loading...