Cali Diid Cad Quudheed,Cashiiradiisi Oo Maqan Cunimaayobu Yidhi.
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-CIDNA KAMA MARTIYAYOO,CARADAAN WADAAGNA,
CAALIM WEEYE JIITOO,CIYAAR LOOLA IMAN KARIN,
COLAADIYO DAGAALKII,ISAGAAN CIIL U QABINOO,
CAAFIMAAD KU IIBSADAY,CALI DIID CAD QUUDHED,
CASHIIRADIISI OO MAQN,CUNI MAAYO BUU YIDHI.
2-CAYNIYO SANAAG BARI,CEERIGABO IYO SOOL,
CIDHIFKAA GALBEEDEE,LAGU TAAGAY CALANKE,
CULUMIYO SULAADIIN,KU CASUUMAY QARANKA,
CABASHADU KU RAAGTE,ISU SOO CELCELIYOO,
CADAALADAYNA DEEQDE,U CODEEYA SAAMIGA.
3-CAADILNIMO SAMEYO,CID HA SIININ DHEERAAD,
CANBA CANBU DAREEMA,JIILAAL CAANAHIISEE,
CALF BUURAN OON JIRIN,BADHKEENYU CANTUGIN,
II CUNIYO CUNBA SHARAF,CISI LAGU HAWYSTAA,
CADAALADAYNA DEEQDE,U CODEEYA SAAMIGA.
4-CANAAN RUUX KA BAQAYAA,MA CALOOL ADAYGOO,
CAGAAR BEESHA KUMA RARO,CIDLA LAGAGA GURA,
CAGTA GELI WAKIILADA,CADKA GOBOLADEE MAQAN,
U CADAALAD SOOROO,SOO XIDH CABASHADOODABA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!