Safiirka Itoobiya U Jooga Suudaan Oo Eedaymo Kulul U Jeediyay Dalka Suudaan

0
Thursday February 04, 2021 - 18:42:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Safiirka Itoobiya U Jooga Suudaan Oo Eedaymo Kulul U Jeediyay Dalka Suudaan

    "Ciidammada Suudaan ayaa burburiyey hanti isla markaana galaaftay nolosha dad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidammada Suudaan ayaa burburiyey hanti isla markaana galaaftay nolosha dad"

Addis Ababa (HWN)-Safiirka dalkan Itoobiya u jooga Suudaan, Yibletal Aimro ayaa sheegay in Suudaan ay sameysay qalad taariikhi ah, ka dib markii ay kusoo xadgudubtay dhulka Itoobiya ayuu yidhi.

 

"Tallaabada Suudaan waa mid khaldan anshax ahaan iyo sharci ahaanba marka loo eego xidhiidhka soo jireenka ah iyo taariikheed ee ay la leedahay Itoobiya’’, ayuu sfiirku ku yidhi warkan oo aanu ka so xiganay idaacada Fana

 

 

Safiir Yibeltal ayaa intaasi ku daray  in falka khaldan ee Suudaan uu sidoo kale ka soo horjeedo isdhaafsiga qoraalo ay ku heshiiyeen labada dal sanadkii 1972-kii.

 

"Ciidammada Suudaan ayaa burburiyey hanti isla markaana galaaftay nolosha dad Itoobiyaan oo xadka degenaa isla markaana dalka u horseeday waxyeelo u dhiganta qiyaastii 1 Bilyan oo Birr” ayuu yidhi.

 

safiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay wali awood u leedahay inay si nabad ah wax uga qabato ismaandhaafka xuduudda, ama ay qaranka waajib ku tahay inuu xuquuqdiisa difaacdo.

 



 

Loading...
Loading...