"Somaliya Waxaa U Quman Inaynu Noqono Laba Dal Oo Jaar Ah" Xildhibaan Saleebaan Garas

0
Thursday February 04, 2021 - 18:01:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Somaliya Waxaa U Quman Inaynu Noqono Laba Dal Oo Jaar Ah" Xildhibaan Saleebaan Garas

    "Gole Guurti ahaan masiirka ummadda ayaanu sida ugu haboon uga talinaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gole Guurti ahaan masiirka ummadda ayaanu sida ugu haboon uga talinaa"

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa tilmaamay in go’aankii ay ka gaadheen Doorashooyinka inuu ahaa go’aan lagu wada qancay, oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland dan u ah, waxaanu xusay inay mar kasta Guurti ahaan masiirka ummadda ka taliyaan.

 

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kala duwanaashaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi "Gole Guurti ahaan masiirka ummadda ayaanu sida ugu haboon uga  talinaa, samaha, wanaaga iyo xasiloonidana mar kasta waanu ku hawlan nahay, markaas go’aankii markii hore heshiiska lagu lahaa ee Komishanka ka gaadhay Doorashooyinka wakhtiga ay ku qaban karaan, ee Xisbiyada iyo Xukuumadduna ku taagaareen Madaxweynuhuna noo soo gudbiyey, sidii ugu haboonayd ayaanu ka yeelnay, oo go’aankii na laga filaayey ayaanu ka gaadhnay”.

 

Mar uu ka hadlayey kala duwanaashaha Soomaaliya iyo Somaliland ayuu yidhi "Soomaaliya waxaynu kala nahay laba dal, oo la iskuma keen khaldayo, Soomaaliya waa Waddan aynu kala go‘anay 1991-kii, kamaynu goosan ee dib ayaynu ugala soo noqonay xorriyaddii, markaas maanta haddii aynu nahay Somaliland waynu iska tashanay, ee Soomaaliya waxaa u quman inaynu noqono laba dal oo jaar ah, midnimo dambe oo ina dhex martaa sinaba suurtagal u noqon mayso”


Loading...
Loading...