Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Hadal Fajaciso Ku Ah Waaqaca Dhabta Ah Ee Xukuumaddiisa Iyo Xisbiga Kulmiye

0
Thursday February 04, 2021 - 13:53:47 in News by
  • Visits: 3806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Hadal Fajaciso Ku Ah Waaqaca Dhabta Ah Ee Xukuumaddiisa Iyo Xisbiga Kulmiye

    Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Hadal Fajaciso Ku Ah Waaqaca Dhabta Ah Ee Xukuumaddiisa Iyo Xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Hadal Fajaciso Ku Ah Waaqaca Dhabta Ah Ee Xukuumaddiisa Iyo Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo dorraad Salaasadii ka hadlayay xus loo qabtay sannad guurada dhismaha ciidanka qaranka Somaliland oo Hargeysa lagu qabtay ayaa sheegay in aanay xukuumadda iyo xisbiyadu toona maanta u yeedhinayn dadka soo xulista Musharaxiinta isu soo taagaya golayaasha deegaanka iyo wakiilada, arrinkaasi oo gabi ahaanba khilaafsan xaqiiqada iyo waaqaca dalka yaalla maadaama la og yahay saamaynta xisbi kale ha joogee kiisa KULMIYE ku leeyahay Musharaxiinta iyo sida uu qaarna u diido, qaar u soo dhawaysto uguna dhex milmay qabaa’ilka iyo jifooyinka hoose.

Image result for muuse biixi


Iyada oo shacabka Somaliland maalin walba si muuqata ula socdaan Hannaanka beelaysan ee Murashaxiinta loo soo galiyo, kala jiidashada xisbiyada, diidmada, ogolaanshaha iyo kala naqaysiga Murashaxiintaasi iyada oo aan intooda badan loo eegayn wanaagga iyo xulashadooda habboon ayaa haddana Madaxweynaha Somaliland arrintaasi iska fogeeyey isaga oo sheegay in xukuumadda, Xisbiyada iyo cid kale toona maanta shacabka u yeedhinayn cidda ay soo dooranayaan wixii ka yimaad wanaag ama xumaanna ay shacabku qaadan doonaan if iyo aakhiraba, hadalkaasi Madaxweynaha oo noqday mid gabi ahaanba ka hor imanaya xaqiiqadaasi dalka taalla maanta.


Madaxweynaha Somaliland oo Arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi: "Qof Xil Gudan kara. Maanta xisbi idiinma yeedhinayo. Xukuumadina idiinma yeedhinayso. Cidi idinkuma khasbayso. Qof walba oo taladaa wax ka galaya oo xildhibaan soo xulayoow. Aakhiro waxa lagu waydiin doonaa masuuliyaddaasi aad qaaday ee aad qaranka ugu soo xulayso ciddii hogaamin lahayd in aad daacad ka ahaato qofkaasi if iyo aakhiraba in uu yahay mid qaranka wax u taraya. Aakhiro ayay ku saaran tahay dambigaasi haddii aad qaranka u soo xusho mid aad ogtahay in uu hadimo u keenayo amma aanu xilkaa ka bixi karayn. Qofka wax dooranayaa waa la mid. Warqadda aad dhiibaysaa waa in ay noqotaa qofka aad dooranaysaa hadhawto sharciga uu qaranka u dajinayo iyo aayaha uu ka talinaayo iyo waxa uu dooranayaa in ay noqto mid saamayn ku yeelata”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


Isku soo wada duuboo dhaliisha shacabku ka jeedinayay muddooyinkii dambe qaar ka mid ah Musharaxiinta badka is keenay oo qaarkood durba saluug laga muujiyay waxa ay qaarkood ka sharraxan yihiin oo soo xushay xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynuhu ee KULMIYE, waana xaalad ka duwan hadalkaasi dardaaranka ah ee Madaxweynuhu jeediyay.

 


Loading...
Loading...