Cimiri Dherersiga Ay Samaysteen Guurtidu Iyo Mugdiga Ku Gedaaman Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

0
Thursday February 04, 2021 - 13:50:25 in News by
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cimiri Dherersiga Ay Samaysteen Guurtidu Iyo Mugdiga Ku Gedaaman Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

    Cimiri Dherersiga Ay Samaysteen Guurtidu Iyo Mugdiga Ku Gedaaman Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cimiri Dherersiga Ay Samaysteen Guurtidu Iyo Mugdiga Ku Gedaaman Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan


Hargeysa(HWN):-Dorraad Salaasadii ayay ahayd Markii Golaha Guurtida Somaliland Fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyeen kuna ayideen Muddodii ay hore doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ugu cayimeen Komishanka Doorashooyinka qaranku ee ay sidoo kale asxaabta qarankuna ku raaceen balse waxa dad badan oo u kuur gala xaaladda Golaha Guurtidu hoosta ka xarriiqeen dhadhanka macno ahaan qayb ka mid ah qodobada ay go’aankooda ku muujyeen oo u dhignaa sida aanay doorasho diyaarba ugu ahayn.

Image result for golaha guurtida


Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa mudanayaasha golaha Guurtida Dorraad ka hor akhriyay qodobada sharci ee ay u cuskadeen wax ka baddelka ay ku sameeyeen muddo xileedka golaha wakiillada. Waxaanu yidhi: "In dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada ee hadda ku fadhiya, kuna eekaa 12/1/2022 laga bilaabo 2/2/2021 uu dhammaadka muddo xileedkoodu ku eeg yahay bil kadib maalinta ay qabsoonto doorashadoodu. Go’aankani waxaa uu si gaara u khuseeya dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada oo kaliya, mana khuseeyo mana khuseeyo dhammaada muddo xileedka golaha guurtidda Somaliland.”


Golaha Guurtida Somaliland ayaa haddaba markii ay qaabkan u soo dhigeen qodobada sharci ee ay ku meel-marinayaan qabsoomidda Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa waxa si weyn dad badani uga fal-celiyeen qaabka hadal sharciyeedkani u yaallay oo u muuqda mid mugdi weyn galinaya wakhtigii ay Iyana doorashada gali lahaayeen oo aan ku caddayn hadalkoodii dorraad. Taasi waxa ay u muuqataa mid ay Golaha Guurtidu ku sii cimri dheeraysanayaan kuraasta ay qaarkood ku dhawaadka soddonka sano joogeen inkasta oo xildhibaannada Guurtida in badan oo ka mid ahi ku yimaaddeen nidaam dhaxal ah.


Shacabka Somaliland ayaa ka dhur sugaya wakhtiga rasmiga ah ee ay Golaha Guurtidu u cayimi doonaan wakhtiga nidaam doorasho lagu soo dooran doono golaha kan imika xiga.


Go’aanka Golaha Guurtidu ka gaadhay wakhtiga qabsoomidda doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada waxa ay dorraad ku ansixiyay kuna meel mariyay cod gacan tag ah oo dhammaa 78 mudane, cid diiday ma ay jirin, cid ka aamustayna may jirin guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaana lagu xalaaleeyay go’aankaasi wakhtiga doorashada ee ay hore u soo jeediyeen Koomishanka Doorashooyinku.


Dhanka kale asxaabta saddexda xisbi Qaran ayaa hanbalyeeyay, go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadheen qabsoomida wakhtiga doorashooyinka isku-sidkan.


Loading...
Loading...