Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Amaro Qasab Ah Oo La Dul Dhigay Reer Hargeysa

0
Thursday February 04, 2021 - 13:45:14 in News by
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Amaro Qasab Ah Oo La Dul Dhigay Reer Hargeysa

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Amaro Qasab Ah Oo La Dul Dhigay Reer Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Amaro Qasab Ah Oo La Dul Dhigay Reer Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme , ayaa ka haddlay saacadio dhawaan ay keentay Wakaaladaha Biyaha ee Magaalada Hargeysa iyo shaqaale kontan qof ah oo uu sheegyay in sannadkii hore laga eryey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, kuwaas oo uu xusay in aan wax xuquuq ah la siin.

Image result for maxamed sidiiq dhamme


Xoghayehe Maxamed Sidiiqd Dhamme ayaa oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-" Waxay sheegaysaa in la keenay saacado kontan dollar ah $50 uu guri walba lagu qasbaayo inay iibsadan oo muddo saddex bilood ah loo qabtay, saacadani waxay ku timadaa dalka lacag ka yar toban dollar $10 weliba marka cashuur dhaafta loo sameeyey saacadahan waxa lagu soo dejiyaa bakhaar ku dhex-yaala Wakaalada Biyaha waana mashruuc macaash oo cid gaar ah loo xidhay oo cid gaar ahi ay dheefsanay oo ay ka faa’iidayso, ee ma’aha mashruuc dadka dani ugu jirto, xili xun ayaa lagu jiraa ummaddu ma qaadi karrayso saacada qiimahaa leeg,markii koobaad ma’aha waa markii labaad 2019-kii bishii afraad waxa la keenay saacado $30 oo guryaha lagu qasbay mashuur weyn oo laga faa’iiday ayuu ahaa mar labaad ayaa haddana lagu noqday waxa la keenay saacado kale oo kontan dollar ah $50.” Ayuu sheegay dhamme.


Waxaanu uu intaas ku sii daray isagoo haddalkiisa sii wata "Magaalada Hargeysa waxa biyaha caba ku dhawaad soddon kun oo guri 30,000 oo isugu jira meherado kaalmo iyo guryo,waxa lagu qiyaasayaa lacagta kasoo baxayso hal milyan iyo badh $1.5 Milyan dollar ,waxa wakaalada biyaha soddonkaa sanno looga fadhiyey inay waraabiso hal miylan iyo badh qof oo Hargeysa ku nool oo ay helaan biyo nadiif ah oo jaban,lama sugaynin lamina filaynin in hal milyan iyo badh dollar laga sameeyo shacabka masaakiinta ah ee aan biyaha haysan ee ay booyaduhu u dhaamiyaan aad ayaanu uga xunahay,waxaanan u aragnaa inay dowlad-nimadu tahay adeeg iyo deryeel Bulsho ee aanay ahayn macaash iyo xoollo ka samayn.”ayuuu yidhi.


Dhanka kalena Xoghaye Dhamme ayaa ugu baaqay Bulshada Magaalada Hargeysa in aanay iibsan saacadaas ay Wakaalada Biyaha Hargeysa keenta, maddaama aanau jirin duruuf ku kelifaysaa"Waxaanu ugu baaqaynaa in aanay bulshadu iibsanin saacadahaa,maddaama aanay ahayn saacado qiimo ahaana macquul ah baahina aanay jirin,waxaanu soo jeedinaynaa ka Xisbi ahaan Sacadahaa aan baahida loo qabin ee biyaha in la joojiyo dadkuna aanay iibsan,biyaha la qaaliyeeyey ee halka miter cubic uu ahaa sagaal kun iyo shan boqol oo shilin Sh 9,500 ee laga dhigay shan iyo tobanka kun 15000 ee Anaya daku qaadi karrayn ee qaaliga ku ah in la jebiyo oo halkoodii lagu soo celiyo, in wakaalada Biyaha ee Hargeysa la qarameeyo oo ay noqoto Wakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeysa, Maddaama oo dastuurku uu ummadda uu simay oo aynu u simanay shaqada iyo fursadaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka yaalla oo ay noqoto Wakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeysa .”ayuu sheegay Xoghaye Maxamed Sidiiq,


Ugu Dambeyn Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq dhamme ayaa ka hadlay shaqaale laga eryey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa "Waxa kale oo arrin aad u fool xun ah in sannadkii hadda tegay 50 qof oo shaqaale ah ayaa lga eryey wakaalada xaqooqii lama siin waxay meehanaabayaa wakaalada dhex-deeda waxa lagu eryey wax yar oo aan culays ahayn,iyagana in xaqooqii la siiyo ayaanu ugu baaqaynaa ,wakaaladana waxaanu leenahay waxa la idinka sugayaa oo la idinka fadhiyaa in aydin Hargeysa Waraabisaan oo biyo nadiif ah ka haqab tirtaan, lakiin la idinkama fadhiyo in laga macaasho oo ummada laga sameeyo lacag oo maalin walba mashruuc lagu furto, Dowladduna waa adeeg iyo daryeel ummadeede maha in Madaxtooyadda gudaheedii in mashaariic laga fikiro uun oo la yidhaah halkna maxaynu lacag ka samaynaa halkana maxaynu lacag ka samaynaa .”

 


Loading...
Loading...