Sompower Oo Ka Baxday Ballantii Jebinta Korontada Iyo Qorshihii Balaadhinta Korontada

0
Thursday February 04, 2021 - 13:39:14 in News by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sompower Oo Ka Baxday Ballantii Jebinta Korontada Iyo Qorshihii Balaadhinta Korontada

    Sompower Oo Ka Baxday Ballantii Jebinta Korontada Iyo Qorshihii Balaadhinta Korontada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sompower Oo Ka Baxday Ballantii Jebinta Korontada Iyo Qorshihii Balaadhinta Korontada

Qoraalkan oo aan iskay u soo saaray oo aanan cidna kaga wakiil ahayn, qofna aanan kala tashani waxa uu warcelin u tahay "Mee ballanqaadkii Sompower ee qiimadhimista korontada Hargeysa?". In xogwarrankan la ila faafiyo ayaan codsanayaa.
Image result for sompower



Annaga oo ah dhallinyaro ka socotay Hargeysa ayaa la kulannay madaxda Shirkadda Korontada Sompwer, 17kii Ogos 2020. Waxa aanu metelaynnay shacabka oo ka cabanayay qiimaha korontada Hargeysa oo qaali ah marka loo eego dunida iyo dalalka Deriska ah.

Waxa ay noo sheegeen inay doonayaan in saamileydu ay sameeyaan maalgelin afartii bilood ee ka dhinnaa 2020ka, la ballaadhiyo adeegga korontada ee cadceedda laga dhaliyo, isla markaasna ay qiimaha korontada jebin doonaan Jeneweri 2021ka haddii Alle idmo.

Waxa aan la xidhiidhay si aan uga wardoono, laba jeer oo aanu ballannay mid dhankooda ayuu ka baaqday midna dhinacayga. Tibaaxaha aan ka helay waa inay wadaan qorshihii qiimedhimista, welina aanay fulin ballantii ahayd Jeneweri 2021ka.

Mar haddii aanay jirin wax aan gudbin karo oo ka qabsoomay axdigii ama weedhii aanu is dhaafsannay, waxa micno weyn ila yeelan weyday inaan wakhti kale ku sii qaato kulannada, haddana la sii qabto wakhti kale oo aan la hubin waxa ka fulaya. Wadahadalku raju galnay wuxuu iila muuqday Xummadjebin, xanuunkina waa halkiisii.

Mar haddii waxa laga wada hadlayay aanay ahay dan gaar ah oo u dhexaysa qof/koox iyo shirkad ee ay ahayd dareen dadweyne oo ku aaddanaa baahi nololeed, waxa ay ila noqotay in aan caddeeyo qodobbadan:

1. Ma hirgelin ballanqaadkii ahaa in qiimaha korontada ay hoos u dhigto Sompower sidii wacadku ahaa Jeneweri 2021ka. Waxa aan shirkadda Sompower soo jeedin lahaa inay ummadda u sheegaan halka ay marayso rejadii ay noo sheegeen ee aannu tebinnay. Mar labaad way adag tahay inaanu yididdiilo kale abuurno.

2. Waxa aan ka baxay ergadii dhexdhexaadinta ahayd ee aan ku jiray dhammaadkii kal hore, waxaanan la dareen ahay dadweynaha. Shacab malyanno ay ma dhaafsan karo shirkad iyo urur toona.

3. Ma jirin wax dhaafsan in aanu dan guud isugu nimi Sompwer, uma socon yool shakhsi, iyaguna wax dhaafsan adeegga ay ummadda u hayaan nagalama ay hadlin. Waxa ay xujadani warcelin u tahay ciddii na tuhmi lahayd.

4. Sompower iyo shirkadaha kale ee korontada Hargeysa bixiyaa waxa ay qiimaha halka qurux ku bixiyaan 0.63. Waa in la xisaabtanku gaadho dhammaan shirkadaha korontada. Waxa Sompower xoogga loo saarayna waa inay haysato suuqa ugu ballaadhan ee korontada.

5. Kooto-la-moodka suuqa korontada Hargeysa waxa lagala xisaabtamayaa Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

6. Waxa aan raalligelinayaa cid kasta oo ii aragta inaan cubbadhawray halgan ama tabasho ummadeed. Waxa aan bogaadinayaa ergadii abaabushay kulankii dadweynaha iyo madaxda shirkadda.

7. Masuuliyiinta Sompwer waxa aan ku sharfanayaa sidii ay diyaarka ugu ahaayeen dhegaysiga cabashada. Marar badan oo dambe ayay xalliyeen arrimo tabnaa oo ay dadweynuhu ii tebiyeen aniguna aan toos ugu hagaajiyay.

8. Waxa aan taageersanahay tub kasta oo loo sii ambaqaadi karo dedaalkii ahaa in shacabka Hargeysa helaan Koronto jaban.

9. Cid kasta oo jeclayd in aan wax ka weyddiiyo ama ka talogeliyo tebinta maqaalkan waxa San leeyahay iga raalli ahaada. Waxa ay ka fursan weyday inaan u xogwarramo ummaddii aan la dareenka ahaa.

Allaa Mahad Leh
Siciid Maxamuud Gahayr
Adeege bulsho.

Loading...
Loading...