Gobolada Bari Ee Somaliland Hore Ayey Ugu Jireen Xukun Deg Degah,Haddana Waxaa Ku Biiray Gobolada Galbeedka
waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhaamaa qaranka Somaliland iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen labada sarkaal ee sida axmaqnida ah loo dilay iyaga oo aa n waxba galabsan waxaan soo jeedinayaa in ay soo qabtaan nimankaas wax dilay qaraabadoodu sida ugu dhaqsaha badan wasiirka arrimnaha gudahu waa inuu hawshaasi soo qabashadeeda xil uu iska saara.
waxaan ku soo noqonayaa arriinta beri loogu yeedhaayo golayaasha sharci dejinta waa wakiilada iyo guurtida Somalinad waa sidii xukun deg deg ah loogu soo ridilahaa Gobolka Sanaag. Anigu waxaan qabaa inay Gobolada Somaliland ay galeel xukunka deg dega ah markii Muuse Bixi uu xukunka qabtay ,waxaana tusaale u soo qaadanayaa xadhiga aan xadka laheyn ee xadhkaha goostay , cabudhinta saxaafadda , qoraalka afkaarta qofka . Maxaa lagu xidhay gudoomiyaha garabka dhalinyaradda Xisbiga wadani, maxaa loo xidhay hooyoyinkii dhibku haystay ee caruurtoodu u hadlaayey ee laha hanala caawiyo kuwaas oo caruurtoodu ku xidhnaa dalka Liibiya oo uu magafayaashu haystaa,
waxaan ku soo koobayaa qoraalkeyga waa in dhibtu ku koobnaataa cidii dhibka geystay ee yaan dad aan waxba galabsan dhib loo geysan xukumada korneylada ayaa laga doonayaa inay soo qabtaan gacan ku dhiigalayaashii dilay labada sarkaal. Kumadan waa xukuumadii ugu liidatay intii xukuumado dalka soo maray.
Ahmed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!