XISBIYADA INAGA XIDHA,HADDAAN XEERBA QABANAYN,

0
Thursday May 02, 2019 - 08:50:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBIYADA INAGA XIDHA,HADDAAN XEERBA QABANAYN,

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)


SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

XISBIYADA INAGA XIDHA,HADDAAN XEERBA QABANAYN,

XULUFAYSI REERIYO,XAALKOOD QABIIL YAHAY,

XUMANTOIYO CEEBAY,XASARAD NOOGU DARAYAN,

XAG LOO RAACO MA LAHO,XAGAL DAACSHE QARANKII.

XISBIYADA INAGA XIDHA,HADDAAN XEERBA QABANAYN,

XANTII FULE MA MOOGEE,SHACABKU KUMA XISABTAMO,

XUMAANTODI BADATOO,ADUUNYADI INAGA XIDHAN,

XIGMAD AAD KU XULATIYO,XAWL SIYAASADEED MA LEH,

XAALKEENI HORIYO,BEELIHI KUSO XULA XUBNAHA WAKIILADA,

DEGMOOYINKANA,XAAFADNIMADI XISBIYO LOOMA BAAHNEE,

XAMAR BAYNA DHAANTO,XOOGBA LAGU MUQUUNSHAA,

XALKA QUDHEE INOO FURAN,WAA WADAR U XAAJOOD.

XEEGO SI LOO CIYAARON,XARIIQYANA ILKAHA XAGIN,

XEELAD WEEYE GOBANIMO,DUQAYDII XABAAL GALE,

CABDI XAADIR MAHOO,XARUNTABA MA IMAN KARO,

XABAALEEY WAX QARIYAY,MAXAAD XAAKIM HAYSA.

XISHOD MA LEH DANTADUYE,BAL XASUUSO INA MADAR,

XERU DHAQANKI DHUGADIYO,MEE XALAAL CUNKEENII,

GAAXNUUGOON XANIYO BEEN,WELIGIIBA LAGU XADIN,

XEJIYAAY WACDARO BADAN,MAXAY XULATAY GEERIDU.

XAAJO WEEYE EEBBO XAMDI LOOGU MAHAD NAQO,

HADDII AY XAROODEEN,IYAGOON XUMAHAN ARAG,

XAGALKA DAAL DHACIYO,XARUNTOODI SDAY TAHAY,

CARRUURUHU KU XOOMEEN,XADKA IYO NASIIBUUN.

XAALUF WEEYE GOLAHII,AYAAN HADAL KU SOO XIDHAY.

XEER BEEGTI TALISIYO,MA JOOGAAN XUMAAN DIID,

KOODAYS XILQAAMANA,WAABA LAGU XUJEEYAA,

SIDAA DHEEGA XUURTADA,XOOGA LAGU MAQUUNSHE,

XARFKIISU SOCONEE,AQOON GAAB XARAYSATEEN.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...