"Shaqada Aan Hayo Darteed Ayey Qoyskaygu Igu Deyrin Rabaan"

0
Thursday May 02, 2019 - 08:20:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shaqada Aan Hayo Darteed Ayey Qoyskaygu Igu Deyrin Rabaan"

    Xirfadaha ayaa qeyb ka ah nolosha aadamaha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xirfadaha ayaa qeyb ka ah nolosha aadamaha, iyada oo ay dad badan ku tiirsanyihiin balse dadku isku si uma arkaan shaqooyinka ama howlaha ay qabtaan dadka. Haddaba Sidiiq Faarax Haybe, waa doobiile ku nool magaalada Jigjiga, xirfaddiisa ayuu dhibaato xaga qoyskiisa ah kala kulmay, taasoo keentay in xitaa in qoyskiisa ay ugu hanjabaan inay deyrin doonan.



Maxay tahay sababta ay u deyrin rabaan qoyskiisa?

Buluug Haybe Cabdile, oo ah Sidiiq eedadii, ayaaBBC-da u sheegtay sababta aysan u jeclaysan shaqada uu hayo Sidiiq.


"Qurbaha ayuu ninkan ku maqnaa muddo dheer, haddii uu shaqaysano waxay ahayd inuu halkaas ka soo shaqaysto anaga duubilo ma naqaanno, waana ku caayayaa aad iyo aad ayaana uga xumahay, asaga, gurigiisa iyo carruurtiisaba inaan arko maba jecli, Suldaamo Ayaan ka soo jeednaa firna uma lihin shaqooyinka noocan ah, waxaanu ahayn dad sharaf leh oo ku soo koray nolol raaxo leh weligeenna ma aanan arag qof ciddeenna ka tirsan oo dhaqa dharka dadka." Ayey tiri Buuluug Haybe.


Ganacsiga uu Sidiiq hirgeliyey ayaa waxa uu ka yahay mulkiila waaxana kala howlgala shaqaale kale oo isaga shaqa siiyey, balse Buluug ayaanan weli ku faraxsanayn howsha uu hayo.


"Dharbuu dhaqayaaba haddiiba mar la yiri anaga weyba noo dhammaatay, kaligayna ma'ahan siddaan reer u nahayba qof walba dhulka ayuu madaxa ku dhuftay, kuwii qurbaha joogayna waxay soo jeedinayaan faraha hakala baxa shaqadaan anaga ayaa lacag u soo diraynee, waxayba ilatahay inaan geyno meelaha dadka xanuunsan la geeyo".


Hinda Shukri waa xaaska Sidiiq, waxa ayna sidoo kale aysan ku faraxsanayn howsha uu seygeeda hayo.

Hinda ayaa BBC-da uga warrantay sida ay u aragto shaqada uu seygeeda hayo.


"Waxaan u arkaa inuu yahay qof waalan xitaa waxaan ku iri biil kaama rabo ee doobiga aad ka shaqaynayso iska daa, uuna iga diiday. Dadka marka ay i weydiiyaan waxa uu ka shaqeeyo seygayga been ayaan u sheegaa waxaana ku dhahaa dukaan ayuu leeyahay. Aniga ilama ahan in lacag laga helaayo ee waxaan u arkaa inuu sharaftiisa meel uga dhacay". Ayey tiri Hinda.


Maxaa Sidiiq ku dhaliyey shaqadan ay qoyskiisa oo dhan ka hor yimaadeen?

"Muddo saddex sano ah ayaan warshad dharka lagu dhaqo ee ku taala dalka Norway ayaan ka shaqaynayay, waxaana halkaas ka helay fikrad ah in dhar dhaqista ay tahay shaqo lacag leh. Marka waxaan aaminsanahay in waxa kaliya ee shaq0 iga celin karo inay tahay wixii uu Ilaahay xaaran ka dhigay shaqana waa shaqo noocay rabtaba ha noqotee" Ayuu yiri Sidiiq.


Sidiiq ayaa sheegay in dhibaatada haysata aysan kaliye ahayn mid ku eg qoyskiisa dhaw balse qabiilka oo dhan ay kula dagaalsanyihiin sababta uu u doortay howshan.


"Hadda waxaaba socota olole qabiilka la iiga saarayo, marka awal waxay ka bilaabatay qoyska balse hadda dhammaan wey i haystaan waxayna diidanyihiin shaqada aan hayo."

Siqiiq ayaa ku adkaysanaya shaqadiisa, waxa uuna sheegay inaysan jirin cid badelayso fikirkiisa


BBC

Loading...
Loading...