Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Go'aanka Ay Golaha Guurtidu Ka Qaateen Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

0
Wednesday February 03, 2021 - 14:11:29 in News by
  • Visits: 2162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Go'aanka Ay Golaha Guurtidu Ka Qaateen Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

    Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Go'aanka Ay Golaha Guurtidu Ka Qaateen Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Go'aanka Ay Golaha Guurtidu Ka Qaateen Wakhtiga Doorashooyinku Dhacayaan

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa ka hadlay go'aanka cusub ee ay golaha guurtidu ka gaadheen wakhtiga loo mudeeyey inay dhacaan doorashooyinka isa saaran ee wakiilada iyo deegaanada.
May be an image of 1 person and sitting



gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku bogaadiyey go'aanka cusub ee ay qaateen golaha guurtidu kaas oo ay ku dhimeen mudo kordhintii ay hore ugu sameeyeen golaha wakiilada, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan "Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibka sharci ee ay guteen maanta, maadaama ay is waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiilada & soo jeedintii Axsaabta Qaranka, KDQ iyo Madaxweynahaba ee cayimaadda doorashada, arrintani waxa ay soo afjartay ismarin waa’ siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.

Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhaqaaqay oo uu cagta saartay jidka doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taariikhda markii kowaad, doorasho fursad weyn siinaysa da’yar badan oo u hammuun qabtay in ay mar’uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad weyn siineysa in haweenkeenna ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah.

Ugu dambeyn, waxaa midho dhalay xikmaddii lagu majiiran jiray Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd isu-tanaasul, wada-hadal & isafgarad in wax walba lagu dhammeeyo.
Somaliland GUUL.
#Doorasho2021.


Loading...
Loading...