Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Madaxda DFS Iyo M/Goboleedyada Oo Furmaya

0
Wednesday February 03, 2021 - 08:50:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Madaxda DFS Iyo M/Goboleedyada Oo Furmaya

    Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb




Maanta oo arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug in uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

 

1-dii Bishaan ayuu qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo, hayeeshee uu dib u dhacay madaxda oo ana tegin Dhuusamareeb, balse shalaya ayaa sidoo kale loo balan sanaa si uu u furmo, hayeeshee uu dib u dhacay, kadib markii xilli dambe ay Magaalda Dhusamareeb tageen Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland.

 

 

Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa xalay ku hoyday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland& guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.

 

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.

 

Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ku wda sugan Magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan xaaladda dallka.

 

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.


Loading...
Loading...