Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Guddoomiyaha Aqalka Sare?

0
Wednesday February 03, 2021 - 08:47:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Guddoomiyaha Aqalka Sare?

    Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada




Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabd Xaashi Cabdullaahi ayaa  kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ahna hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

 

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi uu booqday Shariifka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan.

 

Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo si weyn isugu hayaan Guddoomiye Xaashi iyo dowladda Federaalka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in inta uu socday kulanka lagu soo hadal qaaday Shirka Madxada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Maanta ugu farmaya Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doono khilaafka doorashada.

 



 

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la balaariyo Shirka Maanta Madaxda uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb, ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si xal looga gaaro caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada 2021.

Loading...
Loading...