Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Go'aanka Guurtidu Ka Gaadhay Doorashada

0
Wednesday February 03, 2021 - 08:31:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Go'aanka Guurtidu Ka Gaadhay Doorashada

    "doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah."

Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka hadlay go’aan golaha Guurtidu ka soo saartay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka isku sidkan ee lagu waddo inay Somaliland sannadkan ka dhacdo, waxaanu gudoomiyuhu ku sheegay qoraal uu baahiyay sidan :- Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibka sharci ee ay guteen maanta, maadaama ay is waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiilada & soo jeedintii Axsaabta Qaranka, KDQ iyo Madaxweynahaba ee cayimaadda doorashada, arrintani waxa ay soo afjartay ismarin waa’ siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.

 

Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhaqaaqay oo uu cagta saartay jidka doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taariikhda markii kowaad, doorasho fursad weyn siinaysa da’yar badan oo u hammuun qabtay in ay mar’uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad weyn siineysa in haweenkeenna ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah.

 

Ugu dambeyn, waxaa midho dhalay xikmaddii lagu majiiran jiray Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd isu-tanaasul, wada-hadal & isafgarad in wax walba lagu dhammeeyo.

 

Somaliland GUUL.


Loading...
Loading...