Hogaamiyaha Mucaaridka Ruushka Oo Lagu Xakumay 3 Sano Iyo Badh Oo Xabsi Ah

0
Wednesday February 03, 2021 - 08:21:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Mucaaridka Ruushka Oo Lagu Xakumay 3 Sano Iyo Badh Oo Xabsi Ah

    "Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso"

Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Talaadadi shalay xabsi saddex sano iyo bar ah ku xakuntay, hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

 

Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay inusan ka bixi karin Russia. Alexei Navalny ayaa sannadki hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.

 

Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

 

Taageerayaasha Navalney ayaa waxyar kaddib marki uu dhacay xakunka maxkamadda, isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg. Qaarkood ayaa waxaa xiray ciidanka booliska.

 

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso hogaamiyaha mucaaridka Navaln.

 

VOA


Loading...
Loading...