Biden Oo Qaadaya Tallaabooyin Ka Farxin Doona Muhaajiriiinta

0
Wednesday February 03, 2021 - 08:16:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden Oo Qaadaya Tallaabooyin Ka Farxin Doona Muhaajiriiinta

    "waqtigan ahayn mid la yimaado dalka Mareykanka ".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waqtigan ahayn mid la yimaado dalka Mareykanka ".

Madaxwayne Joe Biden ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay oo uu meesha uga saarayo qaar ka mid ah xeerarkii adkaa ee uu maamulka Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah.



Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay seddax amar madaxwayne oo uu ku doonayo in lagu mideeyo qoysaskii ay kala geeyeen xeerarkii adkaa ee muhaajiriinta looga soo horjeeday ee uu hirgaliyay maamulkii isaga ka horeeyay ee Trump.


Madaxwayne Trump ayaa si uu uga hortago muhaajiriinta sharci darada ah waxaa uu kala geeyay waalidiinta aan sida sharciga ah ku soo galin Mareykanka iyo caruurtooda marki ay ka soo gudbayeen xudduuda dalkaas uu la wadaago Mexico.


Amarka Mr Biden ayaa waxaa lagu dhisi doonaa guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona dib u mideynta caruur tiradooda lagu qiyaasay 600 ilaa 700 kuwaasi oo qoysaskooda lala mideyn doono.


Maamulka madaxwayne Trump ayaa waxaa uu kala geeyay ugu yaraan 5,500 oo caruur ah oo waalidiintooda laga qaaday sanadihii 2017 ilaa 2018.


Mid ka mid ah amarada Biden ayaa waxaa lagu dhisayaa guddi ka kala socda hay'ado kala duwan oo uu hogaaminayo wasiiraka arrimaha gudaha Alejandro Mayorkas - si uu ula socdo dib u mideynta qoysaskani.


Amarka labaad iyo kan saddaxaad ee uu saxiixay Mr Biden ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyn doonaa siyaasadihii mamaulkii madaxwayne Trump ee dhimay tirada dadka magangalya doonka ah hoosna u dhigay tirada muhaajiriinta sida sharciga ah ku soo gali jiray Mareykanka .


Mr Biden ayaa sidoo kale soo jeediyay xeer sharciyo lagu siinayo dad tiradooda lagu qiyaasay 11 milyan oo ku sugan dalka Mareykanka, balse aan haysan sharciga Mareykanka.


Balse dadka arrimahan falanqeeya ayaa sheegaya in madaxwaynaha cusub in uu ilaa iyo hadda ka maagtay in uu uu ka laabto siyaasadihii adkaa ee madaxwayne Trump ee uu madaxwyne Trump uga hortagayay muhaajiriinta ka soo gala dhanka xudduuda dhanka Koonfureed.


Shir jaraa'id oo Talaadadii Aqalka cad ku qabtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayay ku sheegtay in maamulka Biden ay ka go'an tahay sameynta nidaam ku dhisan "anshax iyo bina'aadanimo ".


Balse waxay sheegtay in uusan"waqtigan ahayn mid la yimaado dalka Mareykanka ".


Intii uu Trump hayay xilka madaxtinimada ee Mareykanka waxaa hoos u dhacay qaxootiga laga diiwaan galiyo dalka,

 

BBC

 

Loading...
Loading...