Awoodahaaga ka dhabee,noqo mid ku dhabeeya.. Waxa qoray;Mubarik abdi siyaad

0
Wednesday May 01, 2019 - 17:21:20 in Articles by
  • Visits: 1609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awoodahaaga ka dhabee,noqo mid ku dhabeeya.. Waxa qoray;Mubarik abdi siyaad

    Awoodahaaga ka dhabee,noqo mid ku dhabeeya.. Waxa qoray;Mubarik abdi siyaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awoodahaaga ka dhabee,noqo mid ku dhabeeya.. Waxa qoray;Mubarik abdi siyaad


waxaa lagama maarmaan ah inaad naftaada iyo awoodaheega garwaaqsato, oo cid kasta oo ku leh ma karaysidna aanad hadalkooda maqlin, maxaa yeelay waxaaad tahay mid ka awood badan kana karti badan, sidaa aad isku haysto, waxaa muhiima inaad awooda saarto awoodahaaga aan xuduuda lahayn, ilaahayn, talada saarato, ogaatana in ilaahayn kuwa camalka fiican la yimaada aanu dayacayn ajirkooda iyo inuu ilaahay kuwa samrala jiro, iyo inuu ilaahayy jecelyahay dadka taalada saarta, talada saarashadaa ilaahayna waa mid qalbiga iyo dareenkaagu uu ka turjumaayo. Hadaba shayga, ugu horeeya waa garasho, waxaa ku xiga inaad naftaada aqbasho, waxaa ku xiga go’aan qaadasho.



Hadalkan soo socda aan wada qorana oo aan maskaxda galino, waxaan go’aansadaay inaan awoodahayga daaha ka rogo, waxaan go’aansadaay inaan adeegsado, waxaaan go’aansadaay inaan aduunyada raadkayga kaga tago oo aan cid kale warkeeda dheg jalaq u siin oo aan dariiqadayda gaarka isticmaalo.


 

Anigu markii yaraa waxbadan bay igu yidhaahdeen:adigu ma guulaysanaysid…..marnaba igumay odhan adigu waxaad noqoni mid can ah oo calaami ah amase maamule guulayste ah………. Amase waxaaad noqoni mid ka mida muxaadara bixiye caalaami ah…… amase waxaad noqoni qoraa caalami ah oo la jecelyahay kutubtiisa… waxaaas oo dhani waxaaay ahaayeen cilmi qayb, ilaahay kaligii ayaa ilhaaminta bixiya,{ Ibrahim Alfiqi} waxaaase muhiima inuu jiro cod hoos kuula hadla oo ku yidhaahda:adigu waad guulaysan…… anigu waxaan dareemi jiray inaan noqon doono maamule fican, waxaa kale oo aan dareemi jiray inaan noqoo doono ciyaartow kubadaa kolayga oo caalami ah, inkasta oo dadku igu dheeldheelayeen, laakiin waxaa gudahayga ka jiray ilhaam ilaahay oo ah inaa guulaysan doono, ilhaamkaasi waa ka ku dhaqaajinayaa,{Ibrahim Alfiqi} oo shay kasta oo gudahaaga ah dhaqaajinaya.


Sida uu yidho ninka gabayaaga ah wuxuu ahaa riyo iyo wax maskaxda ku soo dhacaaya, ka dibna wuxuu noqdaya xaqiiqo dhab ah oo aan khiyaali ahayn,


Adigu marka hore waad riyoon, kadibna waad ka fikiri, wuxuu nqoni wax maskaxda ka guuxa,ilaa uu ka noqdo wax jira oo aad ficil u bedesho, wuxuuna noqoni xaqiiqo aan khiyaali ahayn. Dhaaman daahfuryada dunida ka jira oo dhani dhamaantood bilawgii hore waxaay ahaayeen riyo, intaa ka diba ayaa laga fikiray …ilaa ay noqotay xaqiiqo gudaha ku jirta wuxuu arkay sawirka wixii uu ka fikiray, kadibna wuxuu ka fikiray sidii uu uga dhigi lahaa waaqici jira oo la taaban karo, sidaana uu ficilkii la yimid oo wixii noqday xaqiiqad jirta oo la taaban karo, sida sadexdii walaalahaa ahaa ee diyaaradad daahfuray, iyo kuwii saruuqa daahfuray, iyo dhamaan qalabka electarooniga oo dhaan oo uu ku jira mobilka aan isticmaalayno imika.


 

Tusaalayashaa: dadka Himiladoodii iyo hiigsigood gaadhay


Dadkaasi waxaa ka mid aha Mon Balan oo ahaa ninkii daahfuray Qalinka, oo lagu tiriyo inuu leeyahay qalimada ugu tayada badan uguna fican ee dunida jira, wuxuu ka shaqayn jiray shirkadaha caymiska{insurance company} ee faransiiska, waxaanu lahaa nin macmiil u ah, waxaaa kale oo jiray nin kale oo tartan kula jiray si uu I helo macmiilkiisa, Balan wuu la fadhiistay macmiilkiisii, si uu heshiiskii u o qoray ayaa waxaaa warqadii ku daatay khadkii qalinka oo warqadii kharibay{wakhtigaa waxaaa la isticmaali jiray qalinka khadka ee qoyaan}


Ka dib Bilan wuxuu soo qaaday warqad kale si uu heshiis kale ugu qoro, laakiin nasiib daro ninkii macmiilka ahaa wuu waayay, maxaa yeelay wuu cadhooday wuxuuna u tagay shirkada kale, Balan markaasuu ka fikiray arinkaa dhacay aadna wuu ula yaabay, wuxuuna yidhii: side buu arinkaani u dhacay? Kadibna naftiisa ayuu ku yidhii waxaa muhiima inaan ka fikiro shay cusub oo khadku gudahaa kaga, si aanu arinkani mar labaad u dhicin.


Runtiina wuu ku dhaqaaqay wuxuun daahfuray qalinkan khadku gudahaa kaga jiro ee qalalsan markaa wax lagu qoro, wuxuuna ku magacaabay Monbilan, kalmada mon luuqada faransiiska ka dhigan tahay , waxaygii, kaygii, oo ah aniga ayaa daahfuray, kadibna Mo BIlan wuxuu noqday mid ka mida qalimada ugu caansan uguna fican ee caalamka. Hadaba haddii uu heshiiska si fican ugu qori lahaa oo aanu khaladkaasi dhiceen, marnaba ma yimaadeen fikirkan cusub ee dunida saameeyay. Shayga ugu horeeya waa dareenka ama garashada awoodahaaga aan xuduuda lahayn, iyo aqbalida naftaad, intaa kadibna inaad go’aan ku qaadato inaad awoodaada isticmaasho oo aad ficil ka dhigto, haddii aad go’aansato inaad luqaad barato imika iyo telefoonka kor u qaad oo la hadal machadyada iyo iskuulada lagu barto, oo u tag oo waydii, oo la hadal muxaadarada u horeysana xaadir soo qaado qaamuuska imikadanmoo maalin kastaa kalmado baro oo xifdii, telefisoonka fur, oo daawo barnaamijyada luqada laga barto.


Kani waa Dictor Zaki cismaan kaas oo luqada ingiriska ka bartay raadyooga, wuxuuna ahaa indhoole curyaana. Kaalay aan kaaga sheekeyo qisada dictor Zaki osman oo ka mida dadka boodjka iska rogay, ee awoodahooga iyo himilooyinkoodu u rumeeyeen, hadafyadoodina u xaqiijiyey.bishii feb 1953kii ayaa wuxuu zaki osman ku dhashay tuulada la yidhaahdo Ruzayqaat ee ka tirsan gobolka Qana ee dalka masar, waa ilmo aan dabiici ahaayn aabihiina wuxuu ahaa oday yar oo iska miskiin ah oo diinta jecel kuna dhaqma, wuxuu zaki la dhashay afar wiil iyo sadex gabadhood, wiilkaan yidhii markii da’diisu ahayd laba sano iyo badh ayaa waxaa ku dhacday xumad kulul taas oo sababtay inuu qaado xanuunka abolo ee shalalka keena, wuu indho belay, waaliidkiisuna inay daweeyaan way ku dadaaleen,ugu dambayntii dhakhaatiirkii waxaay u sheegeen inaanu daawo lahayn, oo aanu xanuunka ka bogsanayn, taasi oo waalidkii aaduga murugoodeen, laakiin mayna rajo dhigin, qoyskii way isku khilaafeen, waxaay qaar ku taliyeen inay iska tuuran si ay dhibtiisa uga takhalusaan.



Waxa qoray;Mubarik abdi siyaad

La soco Qaybta dambe

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...