Milateriga Mnyamar Oo Dalkaas Afgembi Kula Wareegay

0
Monday February 01, 2021 - 08:32:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milateriga Mnyamar Oo Dalkaas Afgembi Kula Wareegay

    "Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin deg deg ah sameynin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin deg deg ah sameynin"

Aung San Suu Kyi, oo ah hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Myanmar ee National League for Democracy (NLD), ayaa la xiray, sida uu sheegay afahayeen u hadlay xisbiga.



Arintan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad u dhaxeysa dowladda shacabka iyo militariga ay sii xoojineyso cabsida laga qabo in uu afgembi ka dhaco dalkaas.


Xisbiga NLD, ayaa kuraasta baarlamaanka dalkaas ka helay in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumadda bisha November, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.


Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maalinta Isniinta


Afahayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Ms Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.


"Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin deg deg ah sameynin, waxaanna doonayaa in ay sharciga raacaan," ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.


Wariyaha BBC-da uga soo warama Koonfur bari Aasiya, Jonathan Head, ayaa sheegaya, in askar lagu soo daadiyay wadooyinka caasimadda Naypyitaw, iyo magaalada weyn ee Yangon.


Qadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw, ayaa go'an, sida uu ku soo waramayo wariyaha halkaas uga howlgala, BBC-da laanteeda Burmese.


Askarta, ayaa sidoo kale tagay guryaha madaxda wasiirada ee gobollo dhowr ah, iyagoona kaxeystay, sidaas waxaa yiri xubnaha qoyska.


Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar, ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.


Waa Tuma Aung San Suu Kyi?

Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San.


Waxaa la dilay iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948.


Ms Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda'a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar.


Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn.


Ms Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010.

Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano.


Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah.

 

BBC

 

Loading...
Loading...