Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Maanta Ay Wada Yeesheen Axmed Madoobe iyo James Swan

0
Sunday January 31, 2021 - 17:53:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Maanta Ay Wada Yeesheen Axmed Madoobe iyo James Swan

    "Dowlada Jubaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowlada Jubaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo "

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka wada hadalay arrinta gobolka Gedo iyo ismari waaga ku aadan doorashada Soomaaliya.

 

Jubaland waxay dhankeeda sheegtay inay diyaar u tahay dadaal kasta oo lagu xallinayo xiisadda gobolka Gedo iyo khilaafka harreeyay doorashada Soomaaliya.

 

"Dowlada Jubaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka madaxda qarankuna hormuudka u yihiin arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.

 

Dhanka kale, Danjire James Swan ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya inay isku tanaasulaan si heshiis wax ku ool ah looga gaaro khilaafka ku saabsan arrimaha doorashada.


Loading...
Loading...