Turkey Oo Mareykanka U Diray Baaq La Xidhiidha Iran

0
Sunday January 31, 2021 - 17:35:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Turkey Oo Mareykanka U Diray Baaq La Xidhiidha Iran

    "Insha Allah, cunaqabateenada iyo xayiraadaha saaran Iran waa la qaadi doonaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Insha Allah, cunaqabateenada iyo xayiraadaha saaran Iran waa la qaadi doonaa,"

Turkey ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu dib ugu soo laabto heshiiska Nukliyeerka Iran, islamarkaana uu cunaqabateenada ka qaado Jamhuuriyada Islaamiga ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa ganacsi horumarsan oo dhex-mara labada dal ee deriska ah.

 

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa muujiyey inuu hab cusub ku wajihi doona siyaasadda Bariga Dhexe, oo ay ku jirto inuu si aayar ah ugu laabto inuu Iran kula macaamilo diblomaasiyad.

 

Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay dib ugu biiri doonto heshiiska, oo uu Donald Trump ka baxay 2018, marka ay Tehran dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansanto xeerarkiisa.

 

"Waxaan rajeeneynaa in Mareykanka dib ugu soo laabto heshiiska inta uu joogo maamulka Biden,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo ay shir jaraa’id Istanbul ku wada qabteen dhiggiisa Iran Javad Zarif.

 

"Insha Allah, cunaqabateenada iyo xayiraadaha saaran Iran waa la qaadi doonaa,” ayuu yiri Cavusoglu.

 

Khamiistii, Zarif ayaa sheegay inay tahay in Washington ay qaaddo tallaabada koowaad, sababtoo ah ayada ayaa ka baxday heshiiska oo ay 2015 wada saxiixdeen Iran, Midowga Yurub, Mareykanka, Ruushka iyo China.

 

"Diyaar ayaan u nahay inaan qeybteenna afulino, marka America ay fuliso ballan-qaadyadeeda,” ayuu yiri Zarif.

 

Xayiraadda Mareykanka uu saaray Tehran ayaa dhaawac gaarsiisay ganacsiga u dhaxeeya Turkey iyo Iran, oo mar ay qeyb ka aheyd saliid badan oo Turkiga ka iibsan jiray Iran.

 

"Turkey mowqif adag oo cad ayey kaga soo horjeeddaa cunaqabateenada Mareykanka,” ayuu yiri Cavusoglu.

 

VOA

 

 

 

 

 

 

 

 

Qareenadii Difaaci Lahaa Trump Oo Ka Kala Tegay

 

Iyadoo wax ka yar toddobaad ay ka harsan tahay billowga dacwaddiisa labaad ee xil ka qaadista ee golaha Senate-ka, ayaa kooxda difaaca ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay u muuqdaan in ay khal-khal wajahayaan.

 

Laba qareen oo caan ah oo ka soo jeeda gobolka South Carolina, Butch Bowers iyo Deborah Barbier, ayaa la filayey in ay noqdaan qareennada hogaaminaya kooxda difaaca ee Trump. Laakin warbaahinta ayaa warisay Sabtidii in ay labadani qareen isaga tageen shaqadii ay kooxda u hayeen.

 

Saddex qareen oo kale oo sidoo kale la wariyay in ay la shaqeynayeen madaxweynihii hore ayaan hadda xubno ka aheyn kooxda sharciga ee Trump sida lagu sheegay macluumaad ay markiisii hore baahisay CNN.

 

Trump iyo qareennada ayaa lagu soo waramayaa in ay isku khilaafsan yihiin istiraatiijiyad sharciyeedka ku habboon maxkamadeynta Aqalka Senate-ka ee billaabanaysa 9-ka February.

 

Madaxweynihii hore ayaa wajahaya eedeymo ah inuu "kiciyey kacdoon rabshado wata," taasi oo lala xiriirinayo kooxihii weerarka ku qaaday Aqalka Congaress-ka 6-dii January. Waxaa lagu wadaa in uu ka jawaabo eedeymahaas ilaa Talaadada.

 

Ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Trump uu doonayo in qareennadu ay diiradda saaraan in uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada ee uu kula baratamay Joe Biden isaga oo dhibane u ah musuq-maasuq baahsan oo doorashada ah, halkii ay diiradda saari lahaayeen eedeymaha loo jeedinayo.

 

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in madaxweynihii hore laga yaabo in dambi lagu waayo, sababtoo ah 45 senator oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa dhowaan u codeeyay in maxkamadeynta soo socota ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn maadaama uusan Trump haatan xil heyn.

 

Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee labo jeer lagu soo oogo dacwad xil ka qaadis. Sanad ka hor ayay Senate-ka ka bari yeeleen eedeymo ku saabsan ku takri fal awoodeed iyo is hortaag uu sameeyay Congress-ka.

 

VOA


Loading...
Loading...