Xukuumada Muuse Biixi Oo Mar Kale Hanjabaado U Dirtay Ciyaartoygii Ka Soo Ciyaaray Tartanadii Maamulada Soomaaliya

0
Sunday January 31, 2021 - 12:45:23 in News by
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Mar Kale Hanjabaado U Dirtay Ciyaartoygii Ka Soo Ciyaaray Tartanadii Maamulada Soomaaliya

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Mar Kale Hanjabaado U Dirtay Ciyaartoygii Ka Soo Ciyaaray Tartanadii Maamulada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Mar Kale Hanjabaado U Dirtay Ciyaartoygii Ka Soo Ciyaaray Tartanadii Maamulada Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa mar kale hanjabaado u dirtay ciyaartoygii ka soo ciyaaray tartanadii loo qabtay maamul goboleedyada soomaaliya.
Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Maxkamadaynayso Ciyaaryahannada Somaliland Ee Ka Qayb-galay Tartankii Maamullada Soomaaliya - Geeska Afrika Newspaper


agaasimaha waaxda ciyaaraha ee somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa shaaciyey in dhalinyaradaasi aanay ka qayb gali doonin tartanka horyaalada kala duwan ee caasimada hargeysa oo dhawaan furmi doono.

agaasime Cabdirashiid oo la hadlay Saabtv ayaa waxa uu yidhi "Dhalinyaradii Soomaaliya tagay kooxo reer Hargeysa ah oo ay u ciyaarayaan ma jiraan, ciyaaro danbe oo ay ciyaari karaan ilaa amar danbena ma jiraan, arintii hore looga qaatayna waxba iskama badalin oo waa sidiisii, arimaha ka soo baxa dawlada gaar ahaan go'aankii naga soo baxay fulintiisa ayuunbaa nalaga sugayaa ee wax laga noqday haba yaraatee ma jiro, mana ciyaarayaan ilaa ay saamaxaad helayaan."

sidoo kale waxa uu soo bandhigay dariiqyada u furan ciyaartoygaasi ee u suurtagelin kara inay ciyaaraan tartamada danbe "Muwaadinku waa qaldamaa waxaanu xaq u leeyahay inuu saamaxaad helo iyo in lagu fuliyo ciqaabta arintaas gefka ah ee uu galay, qofka dirayska Puntland xidhay waa mid qaranimadii somaliland meel wayn kaga dhacay oo nasabadisii iyo qaranimadiisii iibsaday, khaladkaas in lagu fuliyo iyo in laga cafiyo waa mid jira waana fuliyey oo wax iska ciyaarayaa ma jiraan."

sidoo kale waxa uu sheegay inay cafiska u mari karaan qaabka ay siyaasiyiintu u dalbadaan "ciyaartoygu waxay cafiska u marayaan nidaamka uu siyaasigu maro, qofka xidha dirays kale oo aan somaliland ahayn waa mid ku gafay qaranimadii oo waa khiyaamo qaran waxaana la marinayaa nidaamka lagu fuliyo siyaasiga ku gafa dalka."

Loading...
Loading...