Kenya Faragalin Xoogan Ayay Ku Haysaa Soomaaliya {General Maxamed Tahliil Biixi}

0
Sunday January 31, 2021 - 10:23:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Faragalin Xoogan Ayay Ku Haysaa Soomaaliya {General Maxamed Tahliil Biixi}

    Waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi - YouTube

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled-xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay maleeshiyaad ku aruurineyso duleedka Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyaga oo doonaya inay carqaladeeyaan amniga kajira Gobolkaas.

Waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD ee dhawaan gudbiyay Warbixinta inay iska indha-tireen xaaladaha kajira Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in Warbixintaas ay tahay mid Madaxweynaha Jabuuti uu ku doonayo in uu ku dheereesto xukunka.

" Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, Shacabka Soomaaliyeed  u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadalay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunka ayuu yiri” Taliyaha.


Loading...
Loading...