Fariin Golaha Guurtida. Qore Khadar Ibrahim

0
Sunday January 31, 2021 - 09:58:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Fariin Golaha Guurtida. Qore Khadar Ibrahim

    Mid labaad baa jirta gudoomiye waxa ku bigmaya bisha october 2021 wakhtiga la furi laha xisbiyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid labaad baa jirta gudoomiye waxa ku bigmaya bisha october 2021 wakhtiga la furi laha xisbiyada

Bismilaahi al raxmaan al raxiim, waxaan salaamaya bulsho weynta somaliland, intaa kadib waxaan maanta u diraya qoralka ku socda golaha gurtida Somaliland ee barakaysan ee u h



Dhayal laguma helin madaxbanaanida iyo jiritaanka dalkan Jamhuuriyada Somaliland ee dhib ayaa loo soo maray,dhiig ayaa loo shubay, caqli,dulqaad iyo samir ayaa lagu gaadhay dawlad iyo nabada lagu naaloonayo.

 

Gudoomiye qolada komishinka iyo xisbiyado waxay cayimin wakhtiga doorashada bisha may oo aan sharci ahayen borinayana mudo kordhintii sharciga ahayed aad ku dhawaaqdin 2019 in doorashooyinka Nov 2021 noqoto.

 

Dalkan wuxuu ku dhaqma waa shuruucda, in lagu tumto sharcigana waa ka mamnuuc qarankan aad hogaminaysaan mudanayaal,sida darteed waa in aad ka hadashaan talaabadan iyo xishiiskan guracan ee ay gaadhin xisbiyado.

 

Mid labaad baa jirta gudoomiye waxa ku bigmaya bisha october 2021 wakhtiga la furi laha xisbiyada sida oo u dastuurku u dhigayo 10 sanno kaste ,waxaana ugu danbeysay oct 2011 oo madaxweyne silaanyo furay waaga, 3 xisbi qaran ee maanta jirana way ka dhamaatay laysankii xisbinimo, taasna waa in madaxeynaha fartaan in u furi wakhtigeeda.taas ma dhacday waa in ururada ay tartan galaan dhexdooda si loo helo lixda urur ee galaya tartanka doorashada.

 

Mana surta gal noqon karto in Nov 2021 la galo doorasho maadama uruuro la furayo oo wakhti lix bilood bay gaadanaysa diwaan gslintooda iyo tartankooda. Sida darteed waxaan usoo jeedinaya in doorashada wakiilada iyo deegaanka laga dhigo May 2022 ,gurtidana May 2023 noqoto.

 

Qore Khadar Ibrahim

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...