Magaca "Dhulkii Udugga" (Land of Punt) Berbera ayaa lahayd.

0
Sunday January 31, 2021 - 08:55:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Magaca "Dhulkii Udugga" (Land of Punt) Berbera ayaa lahayd.

    W/Q: Axmed Iid Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed Iid Aadan


 

Magaca "Dhulkii Udugga” (Land of Punt) ee ay Puntland hadda sheegato magaalada Berbera iyo degaannada hoos yimaadda ayaa lahaan jiray ilaa waqti aad u fog. Arrintaasi mid hadal badan u baahan ma aha, ee waa mid si heer caalami ah ugu xusan kutubta taariikhda ee maktabadaha adduunka lagu akhristo.  

 

Mudanayaasha kala ah Michael R. T. Dumper and Bruce E. Stanley oo ka mid ah aqoonyahannada mawduucan wax ka qoray sidan ayay arrintaa uga hadleen:  



 

"Sida Cadan oo kale ayay Berberi taariikh fog leedahay. Waxay ahaan jirtay meel muhiim ah oo isku xidha ganacsiyada masaafadaha dhaadheer isaga gudba sida buuralayda Itoobiya, Carabiya, Yemen, Gacanka Beershiya iyo Hindiya. Muddo hadda laga joogo 2300 oo sannadood dhalashadii Nebi Ciise ka hor, xeebta Berbera iyo taagagga u dhow ee waxsoosaarka leh waxa ay Masaaridii hore u taqaanney ‘Dhulkii Udugga’ (Land of Punt).”  

 

 

Qoraalka loo yaqaan "Periplus Maris Erythraei” oo ah mid caan ah oo la qoray, sida la sheego, muddo in yar ka dambaysay dhalashadii Nebi Ciise, ahna qoraalka ugu da’ weyn ee ay Berberi ku xusan tahay inta qoraal maanta taariikhda adduunka lagu hayo ayaa waxa ku xusan in ay Giriigu ilaa berigaa yaqaaneen dhulka iyo magaalada maanta Berbera loo yaqaanno oo beryahaa MALAO lagu magacaabi jiray. Waxay Giriigu berigaa ogaayeen in ay meeshani ahayd halka laga helo malmalka, fooxa iyo dhir kale oo udgoon oo Masar iyo meelo dhulka Carabta ka mid ah loo dhoofin jiray.  


 

Haddaba dadka aan taariikhdaas ogeyni sidaas ha ula socdaan.

 

 

Axmed Iid Aadan  

[email protected]  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...