Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay Shir Isniinta Ka Dhacaya Dhuusamareeb

0
Sunday January 31, 2021 - 08:34:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay Shir Isniinta Ka Dhacaya Dhuusamareeb

    "laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka"

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, xilli muranka ku saabsan doorashada Soomaaliya uu marayo heer xasaasi ah.



Warbixin qoraal ah oo goor dhaweyd ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu tixgalinayay "xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey," sidaa awgeedna uu ku baaqay in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan madaxda maamul-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.


Sida ku cad qoraalkaasi ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaasi sheegay in lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaa oo horey loogu qabtay shir uu soo qaban-qaabiyay maamulka Galmudug.


Shirkaasi uu ku baaqay Farmaajo oo furmaya isniinta soo socota ayaa sida la sheegay la soo gaba-gabayn doonaa 3-da Febraayo, taa oo ka dhigan in shirku uu socon doono muddo saddex maalmood ah.


Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shirka wadatashiga ahi ayaa waxaa saldhig u noqon doono heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 "laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya."


Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir deg deg ah isugu yeerayaa xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 5-ta bisha Febraayo, "si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka."


In kastoo madaxweynaha uu shirkan ku baaqay, haddana lama oga in ay ka soo qeybgali doonaan iyo in kale maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo dhawr jeer oo hore u qaadacay shir ay dowladda dhexe ku baaqday. Waxaan sidoo kale la hubin suurtagalnimada in shirkaasi uu qabsoomo maalinta Isniinta ah ee soo socota maadaama uu u baahan yahay qaban-qaabo weyn.


Arrintan ayaa timid saacado uun kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka.


Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha , Qadar iyo Turkiga.


Madaxweynaha oo furay kulanka ayaa wakiillada beesha caalamka warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannaanka doorashada ee waddanka iyo khilaafyada ka taagnaa muddadii la soo billaabay in madaxda Soomaalidu ay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinka.


Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ugu dambeyn 17-kii bishii Sebteembar ee saandkii tegay heshiis laga gaaray nooca doorasho ee ay tahay in ay dalka ka dhacdo iyo habraacyada doorashadaasi loo mari lahaa.


Waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisu ay tanaasul badan ka sameysay qodobo badan oo doorashada ku saabsan, wuxuuna intaasi ku daray in heshiiskii siysaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada, ansixintii habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii guddiyada madaxa bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka ay ahaayeen tallaabooyin muhiim u ah doorashada oo horey loo qaaday.


Waxa uu sheegay in dowladdiisu ay tanaasul badan ay ka sameysay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan buu yiri dhiirigelin iyo xoojin, si looga miradhaliyo buu yiri hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana turjumeyso horusocodka dowladnimada.


Farmaajo ayaa wakiillada beesha caalamka uga mahadceliyay dedaallada ay ku bixinayaan nabadda iyo taageerada qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya.


Dhinaca kale, wakiillada beesha caalamka ayaa waxay sheegeen in ay aad u boogaadinayaan tallaabooyinka loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashada, waxayna tilaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyaba dedaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.


Muranka hareeyay doorashada Soomaaliya ayaa soo taagnaa in muddo ah, waxaana arrimaha inta badan la isku haysto ka mid ah, xubnaha guddiga hirgelinta doorashada, xulista xubnaha aqalka sare ee gobollada woqooyi, arrinta gobolka Gedo iyo arrimo kale oo la xiriira siyaasadda dalka.


Puntland iyo Jubbaland oo horey u diiday in ay soo magacaabaan xubnaha ugu matalaya guddiga hirgelinta doorashada ayaa dhawaan soo gudbiyay xubnaha laga sugayay. Haseyeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in magacaabista xubnahaasi uu baal marsan yahay habraaca magacaabista.

 

Baaqa shirkan uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray maamul-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku soo beegmayo xilli maanta uu baaqday shir ay ku baaqeen Jubbaland iyo Puntland, shirkaa oo ay ahayd in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Beesha caalamka ayaa in dhawaaleba wadday dedaallo la doonayo in la isugu keeno siyaasiinta Soomaalida ee ku kala tagay arrinta doorashada.


Wakiillada beesha caalamka ayaa horey u tagay Baydhabo, Garowe, Jowhar iyo meelo kale, si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyadan ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo doorashada ay tahay in ay dalka ka dhacdo.

 

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in doorashadu ay u dhacdo sidii lagu heshiiyay 17-kii Nofeembar, xilli muddo xileedka madaxweynaha uu sii dhammaanayo.

 

BBC

 

Loading...
Loading...