Maxaa looga wada hadlay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo wakiillada beesha caalamka?

0
Sunday January 31, 2021 - 06:51:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga wada hadlay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo wakiillada beesha caalamka?

    Maxaa looga wada hadlay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo wakiillada beesha caalamka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa looga wada hadlay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo wakiillada beesha caalamka?

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka oo maalmahanba waday kulamo ay la yeelanayaan madaxda iyo siyaasiinta Soomaaliya.


Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha, Qadar iyo Turkiga.

Madaxweynaha oo furay kulanka ayaa wakiillada beesha caalamka warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannaanka doorashada ee waddanka iyo khilaafyada ka taagnaa muddadii la soo billaabay in madaxda Soomaalidu ay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinka.
SOMALIA

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ugu dambeyn 17-kii bishii Sebteembar ee saandkii tegay heshiis laga gaaray nooca doorasho ee ay tahay in ay dalka ka dhacdo iyo habraacyada doorashadaasi loo mari lahaa.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisu ay tanaasul badan ka sameysay qodobo badan oo doorashada ku saabsan, wuxuuna intaasi ku daray in heshiiskii siysaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada, ansixintii habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii guddiyada madaxa bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka ay ahaayeen tallaabooyin muhiim u ah doorashada oo horey loo qaaday.

Waxa uu sheegay in dowladdiisu ay tanaasul badan ay ka sameysay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan buu yiri dhiirigelin iyo xoojin, si looga miradhaliyo buu yiri hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana turjumeyso horusocodka dowladnimada.
Farmaajo ayaa wakiillada beesha caalamka uga mahadceliyay dedaallada ay ku bixinayaan nabadda iyo taageerada qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wakiillada beesha caalamka ayaa waxay sheegeen in ay aad u boogaadinayaan tallaabooyinka loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashada, waxayna tilaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyaba dedaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Muranka hareeyay doorashada Soomaaliya ayaa soo taagnaa in muddo ah, waxaana arrimaha inta badan la isku haysto ka mid ah, xubnaha guddiga hirgelinta doorashada, xulista xubnaha aqalka sare ee gobollada woqooyi, arrinta gobolka Gedo iyo arrimo kale oo la xiriira siyaasadda dalka.

Puntland iyo Jubbaland oo horey u diiday in ay soo magacaabaan xubnaha ugu matalaya guddiga hirgelinta doorashada ayaa dhawaan soo gudbiyay xubnaha laga sugayay. Haseyeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in magacaabista xubnahaasi uu baal marsan yahay habraaca magacaabista.
Maanta waxaa baaqday oo aan qabsoomin shir ay ku baaqeen labadani maamul-goboleed oo ay ahayd in uu ka dhaca magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa in dhawaaleba wadday dedaallo la doonayo in la isugu keeno siyaasiinta Soomaalida ee ku kala tagay arrinta doorashada, waxaana horay uga dalbatay dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya in ay meel dhexdhexaad ah oo la isku waafaqsan yahay ka istaagaan arrimaha doorashada, ka hor inta aan wax tallaabo ah loo qaadin fulinteeda.

Wakiillada beesha caalamka ayaa horey u tagay Baydhabo, Garowe, Jowhar iyo meelo kale, si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyadan ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo doorashada ay tahay in ay dalka ka dhacdo.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in doorashadu ay u dhacdo sidii lagu heshiiyay 17-kii Nofeembar, xilli muddo xileedka madaxweynaha uu sii dhammaanayo.

Loading...
Loading...