Xukuumada Muuse Biixi Oo Qorshaynaysa Inay Lacag Ka Hesho Ruqsadaha Isgaadhsiinta, warbaainta iyo Macdanta

0
Saturday January 30, 2021 - 14:31:48 in News by
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Qorshaynaysa Inay Lacag Ka Hesho Ruqsadaha Isgaadhsiinta, warbaainta iyo Macdanta

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Qorshaynaysa Inay Lacag Ka Hesho Ruqsadaha Isgaadhsiinta, warbaainta iyo Macdanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Qorshaynaysa Inay Lacag Ka Hesho Ruqsadaha Isgaadhsiinta, warbaainta iyo Macdanta

Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Oo qorshaysay In Ay Dhaqaale Badan Ka Soo Xareyso Ruqsadaha Kala duwan Oo Ay Ka Mid Isgaadhsiinta, Warbaahinta, Beeraha Iyo Macdanta.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dejisay qorshe ay lacago badan kaga soo xaraynayso goobo kala duwan oo aan hore qaarkood cashuur looga qaadi jirin, kuwaas oo sannadkan 2021-ka lagu saleeyey Miisaaniyadda Qaranka in ay odoroskeedana qayb weyn ka yihiin.


Dakhligan la qorsheeyey in ay ka yimaadaan meelaha kala duwan, ayaa waxa ka mid ah cusboonaysiinta Ruqsadaha Shirkaddaha Isgaadhsiinta, Hirarka, Warbaahinta qaybaheeda kala duwan, Warqadaha shaqada, Shirkaddaha baabuurta kala duwan, Geershayda, Liisamaha Beeraha, diiwaan gelinta Shirkaddaha.

Dhaqaalahan laga filayo meelaha kala duwan, ayaa waxa u xil saaran oo ay Wasaaraddo kala duwan, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo shaqo gelinta, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaadhsiinta, Wasaaradda Jidadka, kuwaas oo iyagu maalmihii u dambeeyey soo saaray warqado war gelin ah oo la xidhiidha in ay soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxa ay awoodda saartay sannadihii u dambeeyey xoojinta cashuuraha Beriga, taas oo wakhtigan qayb weyn ka ah odoroska Miisaaniyadda 2021-ka.

No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.

Loading...
Loading...