'' Gacanta Qabow ee Dawladnimo ( Soft Power ) ''.

0
Wednesday May 01, 2019 - 15:47:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Gacanta Qabow ee Dawladnimo ( Soft Power ) ''.

    Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul . Gacanta kulul ee dawladnimo waxaa laggu tilmaamaa adeegsigga cudud ciidan , xayiraad dhaqaale iyo muquunin awoodeed , hassa yeeshee gacanta qabow ee dawladnimo waxa weeyaan ,adeegsigga xirib siyaasadeeed , farsamooyin aqooneed iyo horumarin bulsho .



Xaaladda Gobolka Sanaag .

Denbiyadda iyo aqoonta ku saabsan marka lagga hadlayo , waxaa jirra qaaciidooyin xisaabeed oo la isticmaalo , kuwaasoo laggu soo saaro heerka uu marayo denbigu iyo helista xalka ku haboon .


Qaacidada koowaad , Tiradda denbiyadda dhacay ayaa loo qaybiyaa tiradda dadwaynaha , ka dibna waxaa laggu sameeyaa is barbar dhig .



Dhinaca kale , helista sababaha keenaya denbigu waxay kusoo baxdaa , daarasadaynta iyo falanqaynta denbiyadda dhaca iyadoo lagga eegayo .

- Dhinaca Deegaanka ,

-Bulshadda ,

- Dhaqaalaha ,

iyo Caafimaadka .


Hadaba hadii aynu xalaadan Sanaag usoo noqono , sababaha keenaya korodhka denbiyaddu waxay soo gelyaan qodobadan aynu soo sheegnay oo dhan .


Sanaag Deegaan ahaan waa degaan dib uga dhacsan wadanka intiisa kale , Dhaqaaluhu wuu liitaaa , Bulshadda heerkeeda aqooneed iyo tacliimeed ma horimarsana , Caafimaad ahaana , waxaa ku batay Goboladda Barri oo dhan oo Sanaagna ku jirto Mukhaadaraadka kala duwan .


Sidaa markay tahay , Gobolka Sanaag wuxuu u baahan yahay in Dawladdu u adeegsato gacanteeda qabow ee dawladnimo ( Soft Power) , sidaa awgeedna aanay adeegsan gacanteeda adag ee dawladnimo ( Hard power) .

Si arrintaas loo xaqiijiyana waxaa muhiima .


1- In la dejiyo Istaajiyadda dawladeed ee gacanta qabow ee dawladadeed oo isugu jirta waqtiga dhaw iyo waqtiga dheer .


2- In la xoojiyo horumarinta haayadaha Nabadgelyadda Gobolka , sidda Booliska , Sirdoonka , Jeelasha iyo Garsoorkana , madaxda hogaaminaysaana ay noqdaan kuwo aan gebe ahaanba u dhalanin gobolkaas .


3- In la xoojiyo maamulka dawliga ah ee goboladaas , dib u dhiskiisa iyo horumarintiisana loo xilsaaro xubno ka tirsan goleyaasha oo muddo halkaas fadhiista .


4- Galaangalka bulshadda , turxaansaarista iyo isu soo dhawaynta qabaa'ilka .


5- iyo isticmaalka wacyi gelinta bulshadda haday noqoto dhinaca Miidiyaha , Culimadda, shir-hawleedyadda iyo abaabulka bulshadda .


6- La dagaalanka mukhaadaraadka iyo maandooriyaha .


7- Ugu danbayn hadii la doonayo xakamaynta denbiyadda iyo yarayntooda ,waxaa lagama maarmaan ah in Dhaqaalaha iyo aqoonta deegaanaddaa kor loo soo qaado , horumarkana loo adeegsado la dagaalanka denbiyadda , maxaa yeelay denbiyaddu waxay ku bataan aduunka oo dhan meelaha dib u dhacay .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...