Maxaad Ku Rumaysataa Dhacdooyinka iyo Warbixinaha Ay Bulshada La Wadaagaan Saxafiyiinta Somalidu.? W/Q Aimar Olol

0
Saturday January 30, 2021 - 11:57:03 in Articles by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ku Rumaysataa Dhacdooyinka iyo Warbixinaha Ay Bulshada La Wadaagaan Saxafiyiinta Somalidu.? W/Q Aimar Olol

    Maxaad Ku Rumaysataa Dhacdooyinka iyo Warbixinaha Ay Bulshada La Wadaagaan Saxafiyiinta Somalidu.? W/Q Aimar Olol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ku Rumaysataa Dhacdooyinka iyo Warbixinaha Ay Bulshada La Wadaagaan Saxafiyiinta Somalidu.? W/Q Aimar Olol
No photo description available.



Kasoo Qaad inaad tahay Weriye Ka soo warramaya Dawladda Hoose, Duqa Degmadu Wuxu Kugu Martiqaaday Casuumad Casho Makhaayad Qurxoon, Ma Aqbali Kartaa Casuumadda.?

Kasoo Qaad inaad tahay Weriye Ganacsi, Mulkiilaha Shirkadda Ayaa Kuu soo dira Hadyad Qaali ah Maalinta Dhalashadaada, Ma Aqbali Kartaa Hadiyadda.?

Qiyaas inaad tahay Weriye Raadiyaha Maxalliga ah, Deriskaaga, (Jaarkaaga), Wuxu Kaa Codsanayaa inaad u tartanto Booska Guddida Iskuulka ee la doortay oo Carruurtaadu ay iskuul u Aadaan. Musharrax Ma isu soo Sharrixi Kartaa.? Miyaad Ka Shaqayn Kartaa Guddiga Dugsiga.?
Jawaabta Anshaxa ee Su'aal Kastaa Waa Maya.!

Taasi Waa, Sababta oo ah isku Dhacyadda danta ayaa abuuraya Daacadnimo Kala Qaybsan. Kala Qaybsanaantaasi Waxay Wiiqaysaa Kalsoonida Shacabka ee ah inaad tahay Weriye Caddaali ah, Madax banaan Oo Anshax leh. Isla Markaana Waxa Kale oo ay Wiiqaysaa Danaha loo Shaqeeyahaaga.

Ka Fogaanshaha isku Dhacyada Xiisaha leh, (Conflict of Interest Tension), Waxay Kaa Caawinaysaa inaad ilaaliso Daacadnimadaada Suxufi Ahaan iyo Hufnaanta Hay'adda Wararka Aad U Shaqayso. Taasi Waa Lagama Maarmaan. Akhristayaasha iyo Dhegaystayaashu Waa inay Awoodaan inay Dareemaan Kalsooni inaad Ka Hormarin doonto Dantooda tan gaar ka ah. Taas Waxaan Ula jeedaa Xiisaha ay u qabaan Warar iyo Macluumaad Buuxa oo Sax ah, ujeedo, Dhaqan, Anshax iyo Caddalad.

Hadafka Saxaafaddu Waa inaad U Adeegto Sidii Waardiye (ilaaliye), si aan U ilaalino Saraakiisha Dawladda, Ganacsiyada, Ururada Shaqaalaha, Hay'addaha aan Dawliga Ahayn, Jaamacadaha iyo iskuulada. Haddii aad Ka Tanaasusho Madax-banaanida Waxaad Dhaawacaysaa Sumcadda iyo Nuxurka Suxufiga Waxaad Khiyaamaysaa Kalsoonida Shacabka, Ha Sheegan Suxifi iyo Weriye Noqo Dilaal Madax-banaan.!
Nin La Yimid Dedaalkiis.

Anigaa Wax Ugu Dara.'
Hadraawi: (Daalalley) 27/7/1987

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...