Guddida Doorashooyinka Oo Bilaabay Hawlo Muhiim U Ah Qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanada+Sawiro

0
Saturday January 30, 2021 - 11:40:40 in News by
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashooyinka Oo Bilaabay Hawlo Muhiim U Ah Qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanada+Sawiro

    Guddida Doorashooyinka Oo Bilaabay Hawlo Muhiim U Ah Qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanada+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashooyinka Oo Bilaabay Hawlo Muhiim U Ah Qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanada+Sawiro

Hargeysa(HWN):-Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa bilaabay in tababarida Guddoomiyeyaasha Komishanka ee gobollada iyo Degmooyinka dalka.


Tabobarkan ayaa waxa uu ku saabsan yahay Hannaanka Kaadh/Goob Baddelka & Kaadh-qaybinta. Tabobarkan Wajigiisa hore ayaa ay ka faaiidaysanayaan Mas'uuliyinta 3da Gobol ee Awdal, MJ & Saaxil iyo Degmo-doorashooyinka hoos yimaada.

Wajiga dambe ee Tabobarkan ayaa lagu tabobari doonaa Guddoomiyayaasha Komishanka ee 3da Gobol ee Togdheer, Sool & Sanaag iyo Degmo-doorashooyinka hoos yimaada.

Tabobaradan saaka KDQ u bilaabay Mas'uuliyiintiisa gobolada iyo degmooyinku waxay ka mid yihiin hawlaha baaxada leh ee Komishanku ku hawlan yahay kuwaasoo dhammaantood loogu gogol-xaadhayo Kaadh/Degmo-doorasho badalka, Kaadh-qaybinta iyo sidoo kale Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanada JSL, hawlahaas oo dhammaantood hirgalintoodu qorshaysan tahay sannada 2021 gudaheeda taasoo KDQ, Axsaabta Qaranka iyo Madaxweynuba isula qaateen muddaynteeda si waafaqsan Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha JSL, Xeer Lr. 91/2020, balse laga dhul-sugayo in Golaha Guurtida JSL iyaguna ka gutaan Waajibaadkooda Dastuuriga ah.

JSL ayaa noqday dal ku guulaystay hannaanka Dimoqraadiyadeed iyo Doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, iyadoo la rajaynayo in guushaasi noqoto mid JSL sii joogtayso siina adkayso, Alle idamkii.
May be an image of 1 person
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and headscarf
May be an image of 1 person, standing and indoor
May be an image of 1 person and beard

May be an image of 1 person, sitting, headscarf and indoor

Loading...
Loading...