Soddon Sanadood Ka Dib Sidee Ay Yihiin Xaaladaha Ethiopia Iyo Somaliaka Dib Dawladihii Ciidamada

0
Saturday January 30, 2021 - 09:28:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soddon Sanadood Ka Dib Sidee Ay Yihiin Xaaladaha Ethiopia Iyo Somaliaka Dib Dawladihii Ciidamada

    W/Q: MOHAMED ABDI JAMA (Mohamed Dhimbiil)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: MOHAMED ABDI JAMA (Mohamed Dhimbiil)

Marka aad taariikhda dib u raacdo nus qarnigii ugu dambeeyey waxa ay soo mareen labadii dal ee midna Ethiopia ahaa midna jamhuuriyadii Somalia ahaa taariikho isku eeg oo aad isugu dhow-dhow kuwaasi oo haa ; 



Ethiopia waxa ay ahayd laba dal oo isku darsamay oo kala ahaa Erateria iyo Ethiopia oo midna uu talyaanigu haystay midina ay la dagaalantay oo aanu qabsanin , markii dambena waxa ay isku noqdeen hal dal oo la yidhaahdo Ethiopia .  


Jamhuuriyadii Somalia waxa ay ahayd laba gobol oo isku biiray oo midna uu ingiriisku haystay midna talyaanigu haystay oo marka ay isku biireen sameystay jamhuuriyadii Somalia.  


Labadaba waxa qabsaday oo haystay xornimadii ka dib laba nidaam oo ciidamo ay hogaaminayeen oo kala ahaa nidaamkii dhergiga ee mingiste Heila mariam iyo nidaamkii kacaanka ee uu hogaaminayey Mohamed Siad Barre.

 

Labadaba waxa ku kacsanaa oo ka hor yimid jabhado oo ka tuuray taladii jabhadaasi waxa ay ahaayeen jabhado aad isugu qadiyado dhow oo qaar doonayeen in ay dalalkoodii dib ula soo noqdaan ay ku darsadeen oo kala ahaa EPLF iyo SNM oo labadaba ay is garab sanayeen TPLF iyo USC oo ahaa laba jabhadood oo waaweyn . 


INTAA KA DIB MAXAA DHACAY ?  

Waxaa dhacay in dalka Ethiopia uu kala noqday labada dal ee Erateria iyo Ethiopia oo maanta kawada tirsan gobolka geeska Africa oo ay keentay heshiiskii ay galeen jabhadihii dagaalamayey in marka dalka la qabsado qolo waliba dhinaceegii loogu aqoonsado dal. 


Waxaa ka dhacay Jamhuuriyadii Somalia markii ay qabsadeen jabhadihii SNM. USC iyo SPM in aan taladii lagu heshiin oo ay wax khaldameen , SNM waxa ay qabsatay waqooyi , koonfurna waxa qabsaday USC iyo SPM , halkaasi waxa ka dhacay in jabhadii USC kala jabtay , sidoo kale waxaa jiray qolo loo yaqaanay manifesto oo ahaa maamulkii ka hadhay dawladii MS Barre oo haystay ciidankii waxii soo hadhay iyo maamul yabyab ah xiligaasi , halkaasi waxa lagaga dhawaaqay laba madaxwayne .  


Intaasi markay dhacday ayaa SNM oo ka war sugaysay marka ay qabsadaan koonfur jabhaduhu in shir la isugu yimaado oo la is weydiiyo waxa la yeeli doono talada dalkii jamhuuriyadii Somalia oo halkaasi wax ka soo baxaan. 


Sida taariikhda ku xusan markii ay SNM waqooyi nabadaysay ee dadkii ay isugu yeedhay shir dhawaqaasina soo dhacay ah in koonfur dawlado lagaga dhawaaqay aan lagala tashan ayaa waxa lagu dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland oo ahayd jamhuuriyadii 26 June 1960kii ee Somaliland british protectorate.  

 

SODDON SANADOOD KA DIB SIDEE XAAL YAHAY JAMHUURIYADII SOMALIA ?  

Jamhuuriyadii Somalia waxa ay u kala jabtay laba gobol oo kala ah koonfur iyo waqooyi oo midina yahay Jamhuuriyada Somaliland , midina yahay Jamhuuriyada Federalka Somalia oo uu wadahadalo u socdaan 9 sanadood ee ugu dambeeyey ilaa maantana aan wax natiijo ah laga gaadhin. 


Jamhuuriyada Somaliland waxa ay sameysatay maamul dawladnimo oo iskeed iyada oo aan cidi caawin ay soo bilowday oo maraya soddon sanadood maanta oo uu joogo madaxweynihii shanaad , Ha iska jiraan qabyooyin badan hadana waa dal nabdoon oo dimuqaradi ah oo dawladnimo iyo sharciyad leh oo dhameystiran wallow aan ilaa maanta aanu caalamka aqoonsi ka haysan.  


Jamhuuriyada federaalka Somalia oo ahayd garabkii kale ee jamhuuriyadii Somalia ee koonfureed ilaa maanta wali kama ay hana qaadin dawladnimo iyadu iskeed cagaha isugu taagtaa , caalamkuna waxa uu tamar iyo taageeroba la garab taagan yahay soddonkii sanadood ee ugu dambeeyey.  

 

MAXAA IMAN KARA AMA NATIIJO AY DHALI KARAAN WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA  

Somalia iyo Somaliland waxa ay midnimo lahaayeen soddon sanadood oo haa 1960 ilaa 1990 , waxaa sidoo kale waxa ay kala maqnaayeen soddon sanadood oo kale oo ah 1991 ilaa 2021 , waxaa isweydiin u baahan sidee xaal noqon doonaa ? xaaladahan lagu jiro ee midina aanay aqoonsi haysan midina ay dawlad la’aanta tahay waxa ay yihiin qaar dhibaato iyo dib u dhac weyn ku ah dadka Somaliland iyo Somalia labadaba waxaana loo baahan yahay in xal waara laga gaadho wadahadalada Somaliland iyo Somalia .  


Wadahadaladu waxa ay noqon karaan qaar midho dhal noqda hadii dhinac uun labada dhinac uu ka yimaado tanaasul iyo in wax la isku ogolaado oo tusaale ahaan Somalia waxa ay taagan tahay midnimada Somalia waa lama taabtaan , halka ay Somaliland na taagan tahay dib ula soo noqoshada jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan.  


Wadahadalada wajigoogii ugu dambeeyey waxa lagu qabtay dalka Djibouti oo laga soo saaray communiqué ah in wadahadaladu sii socdaan isla markaana gudiyo farsamo loo saaro oo Djibouti ku kulma si joogto si aan xidhiidhku u go’in , arimahaasi halkii la dhigay lagama soo qaadin , sida ay u socdaana wax ka soo socdaa ma jiraan.  

 

MOHAMED ABDI JAMA (Mohamed Dhimbiil)  

 [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...