Shirkii Ay Ku Baaqeen Puntland Iyo Jubbaland Oo Baaqday Iyo Sababta

0
Saturday January 30, 2021 - 09:06:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Ay Ku Baaqeen Puntland Iyo Jubbaland Oo Baaqday Iyo Sababta

    Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal ay soo saareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal ay soo saareen




Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaa maalin ka hor waxaa ay ku baaqeen in la qabto shir deg deg ah 30-ka Bisha Janayo oo Maanta ku beegan, kaas oo looga hadlayo xalka gaarista khilaafka doorashooyinka balse shirkaasi uu baaqday.

 

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal ay soo saareen ku shaacin halka lagu qabanayo shirka iyo cidda martigelineyso, halka Madaxda Dowladda aysan ka jawaabin ka qeyb-galka shirkaas.

Maanta oo balantu aheyd qabashada shirkaas ayaan muuqan saan saan uu ku qabsoomayo, iyada oo Madaxweynayaasha 5-ta Maamul goboleed mid kasta uu ku sugan yahay degaankaasa.

 

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa qoraal shalay kasoo baxay waxaa ay ku taageereen baaqa Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland qabashada shirka oo haatan caqabad ay hareeysay.

 

Dhowrkii Bilood ee la so dhaafay ayaa waxa taagan caqabado ku gadaamay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxyaabaha ugu daran ee la isku haayana ay tahay Guddiga doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya oo musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Puntland & jubbaland ay sheegeen inay ku jiraan Xubno badan oo ka tirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo dad taageera Madaxweyne Farmaajo.

 

Muddo xileedka Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan muddo todobaad ah, waxana weli muuqan qabashada doorasho heshiis lagu yahay, iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso saamileyda siyaasadeed ee dalka in doorashada lagu heshiiyo.


Loading...
Loading...