Doqonay indho-badan ayaa Axmed Nuur Gurujow hore looyidhi.

0
Saturday January 30, 2021 - 09:02:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doqonay indho-badan ayaa Axmed Nuur Gurujow hore looyidhi.

    W/Q: Qawdhan Diiriye Fiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Qawdhan Diiriye Fiin

Waxa aan dhawaan Ku arkay  shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews Maqaal uu Qoray Axmed Nuur Guruje, Kaas oo kusoo baxay shabakada  Khamiistii 28/1/2021, isaga oo yarkaasi Gaf qayaxan Kula kacay beel-weynta Ciidagale iyo Qaranka Jamhuuriyada Somaliland labadaba, waxa uu Axmed Yare yidhi Ciidagale oo BAHO Garxajis ah isaga oo doonaaya inuu laba Gudboon Ka Dhigo Daauud Ismaaciil Sheekh Isaxaaq iyo Isaxaaq Care Siciid Ismaaciil, Waa Dad isleh oo Wax isku ah Laakiin Wax BAHO Garxajis layidhaahdo Wax Jira ama Jiri jiray maaha, Wax reerkii Saldanada Duriyada sheekha, Isaaq oo dhami u Cumaamaday in BAHO Garxajis uu Ku sheego waa ayaan daro, axmad yaraw Ciidagale Maaha Reer Hadal loogu Dabaal joogteeyo, waxaan axmad yaraw ku leeyahay Ciidagale waa reerkii Xirsi Cismaan Godabta Ka galay si reerkan aad Baha-garxajis iskaga dhigaysaa u nabad helo, taariikhdaa mahaysid, hadaad hayso waxan kumaad tiraabteen ee orod waayeelka soo warayso,



Tan aadleedahay Ciidagale ayaa wax qaybiyey oo Isaxaaq qadiyey, Qaranka Somaliland ayaad meel kaga dhacaysaa,  maxaa yeelay Somaliland maaha Ardaayo reerba meel Ka masuul yihiin Somaliland waa Qaran Dowlad ah oo Qorshe dowladeed ku socda, Wasiir Axmed Toorno waa Wasiir ah xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo qorshaha dowlada u yaala ayuunbuu fuliyaa sida Wasiir kasta oo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ahiba u fuliyo, Axmed yaraw waa kugu nusqaan in aad Jamhuuriyadii Barakaysnayd ee Somaliland aad Ka dhigto goob ardaayo loo Kala fadhiyo oo reerba meel haysto oo waxay doonaan Ka yeelaan , waxaasi waa Qaran dumis ee Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland Xaal sii, Ciidagalena xaal sii sife inagumeed kuma sifoobaane,  Horaa looyidhi Doqonay indho-badan ilna dhulka iskaga eeg intakalana Ka kuugu dhow kuwada eeg, waxaan Ina Nuurow kugu dhaafayaa Qoodhay iyo Xeraday Aabahaa iyo Awoowgaa Ku Banaanid.


Qawdhan Diiriye Fiin
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...