Xilka Oon Allah Dartii Loo Gudan, Hantida Umadda Oo Laxalaashado,Geerida Iyo Xisaabta Aakhiro Oo Danbeysa !!!
Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.
Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun
iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteedana ka
fogaada.
Rabbigeen (TWC),isagaa kownkan abuuray,wax ka qarsoonina haba yaraate ma
jiraan,maamulidiisana cidna kama tala galiyo,waxaanu soo raaciyey Kitaabka
Kariimka ah,oo uu ku cadeeyey dariiqa loo maro liibaanta adduunyo,dariiqa loo
maro liibaanta aakhiro,wixii inoo xalaala,wixii innaga xaaraana iyo ciqaabt
iisa darran.Waxaa biyo kama dhibcaana,in maanta Xilkii noqday dariiq loo maro
in lagu taajiro ,laguna boobo Hantida umada,oo aynu aragnay tiro aad u badan,oo
intaan xilka loo dhiibin shaxaad ku noolayd,muddo yar ka dibna,
Guryo,Fooqaq,Dhul boob,Hudheelo,Warshado,Baayac mushtar,iwm,ka binaystay. Balse
ma moog yihiin,in Rabigeen (TWT),aanay waxba ka qarsoonayn,oo Xilka oo
aan Allah dartii loo gudan,Hantida Umadda oo la xalaashado,ay geeri ka danbayso
iyo xisaabtii aakhiro !!!.
Bal aan hal qiso idinla wadaago,kuna sahabsan khatarta ku sugan Hantida Umada
oo la xalaashado,oo la xado.Waxaa Abu Huraira laga warinayaa inuu yidhi,
Nabigeena Maxamed (CSW),ayaan la soconay,Khaybar ayaan furanay,kana helnay
xoolo mood iyo noolba leh.Nabigu (CSW),waa ka tagay waxaanu u wareega y meel la
yidhaa Waadil Quraa,oo uu duulaan u aaday.Waxaa dadkii Nabiga (CSW),la socday
ka mid ahaa,Wiil addoon ah,oo uu Nabiga uu u soo hadyeeyey nin la yidhaa,
Rifaacat Binuzayd.
Wiilkaasi, Nabiga (CSW),wuxuu u ahaa gacantiisa midig,waxaanu ahaa saxaabi,muumin ah.Isagoo rarkii Nabiga dejinaya,oo furaya,ayaa waxaa ku dhacay Leeb,aan la garanayn meel uu ka yimid,waanu u geeriyooday.Asxaabtii kale markay arkeen,waxay isku yidhaadeen, Wiilkaasi waa ehlu Janno,maadaama uu ahaa addoon mumina,Nabigana (CSW) u adeegi jiray.
Nabigeenii Maxamed (CSW),markuu maqlay hadalkoodii wuxuu yidhi,sidaad moodeen maaha,ee Ilaahayga Naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee,
Marradii uu xaday maalintii Khaybar la furtay,intaan
Qaniimada la qaybin,ayaa korkiisa ku dul hurraysa,oo ku dul gubanaysa !!!!.
Qisada Abu Huraira laga warinayaa,waxay inno cadaynaysaa,in Xaaraantu tahay mid
Rabbi inooga digay,cidii u badheedhaana,ciqaabteeda mudan doonto.
Waxaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland u soo jeedinayaa, in cida ay u
soo xulayaan doorashada Golaha Wakiilada & Golaha Degaanka,ay aad uga
fiirsadaan,kuna qiimeeyaan:
1- Allah ka cabsigiisa
2- Inuu Xalaal miirad yahay
3- Shaqsiyadiisa
4- Aqoontiisa
5- Waayo aragnimadiisa
6- Kartidiisa
7- Daacadnimadiisa
8- Jecel inuu dadkiisa & dalkiisa si daacad ah ugu shaqeeyo
9- Run sheeg inuu yahay,ogna in Beentu xaaraan tahay
Balse ha dooran:
1- Kii horeba xilka ugu fashilmay
2- Kii Hantidii umada ka taajiray
3- Ha ku dooran Qabyaalad,waa tolkay,waa ina dha-dhaar,ogowna aakhiro waxba ku
tari maayo.
Hadaadse,kii intaaba ku sifoobay,aad maantana dib u soo doorato,berri ka maalin ha ka caban,ee dulqaad u yeelo.....Eesh qiyaasak,maanagaa waalan ,mise Cadan baa laga heesayaa!!!!. Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan kooban, cid kasta oo kursi umadeed u hanqal taagaysaa,waa inay ogaadaan cawaaqibka laga dhaxlo,Xilka oon Allah dartii loo gudan,Hantida umadda oo la xalaashado,Geerida iyo xisaabta aakhiro oo danbeysa !!!
Wa-bilaahi Tawfiiq
Qoraa:
Eng. Mohamed Ali Muse
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | FCNSA | MCP | A+ |
29 January,2021
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!