Nin Ganacsigiisa Ku Waayay Carruur Uu Eryaday Dartood

0
Saturday January 30, 2021 - 08:27:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ganacsigiisa Ku Waayay Carruur Uu Eryaday Dartood

    "in falka uu sameeyay uu yahay mid u qalma in shatiga looga qaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in falka uu sameeyay uu yahay mid u qalma in shatiga looga qaado"

Nin ka ganacsada iibinta jallaatada ayaa lagala noqday ruqsaddii uu waddooyinka ugu gadi jiray badeecadiisa kaddib markii uu cadhooday islamarkaana waddada ku eryaday koox carruur ah, isagoo waliba ul sita.



Ninkan ayaa ku andacooday in ilmaha ay dhagaxyo kusoo tuureen gaariga ay alaabta u saarneyd, sidaas awgeedna uu doonayay in uu ogaado meesha ay daggan yihiin si uu waalidiintooda ugu dacwoodo.


Hase yeeshee guddiga arrimaha bulshada ee magaalada Bolton, ee dalka UK, ayaa ficilkiisa ku tilmaamay mid sidaas ay ujeeddadiisa ka duwaneyd, waxayna sheegeen in ay ka baqeen inuu khatar u keeno shacabka.


Waxay guddigu ku xukumeen "in falka uu sameeyay uu yahay mid u qalma in shatiga looga qaado" sidaasna uu ku waayo ganacsigiisii waddooyinka.


Xog loo gudbiyay golaha bixinta shatiyada ayaa lagu faahfaahiyay dhacdadaas.


'Xog wax ku ool ah'

Warbixin laga sameeyay kulanka go'aanka lagu gaadhay ayaa lagu yidhi: "Guddigu waxay tallaabadan qaadeen kaddib markii ay dhageysteen sida ay wax u dhaceen, labo waalid oo goob joogeyaal ah ayaana ka war bixiyay arrinta, iyadoo sheegay in ninka la soo dacweeyay uu carruurta eryaday isagoo gacanta ku watay ul madow oo caag ka sameysan.


"Guddi hoosaad arrinta loo xil saaray ayaa xogta u arkay mid lagu qanci karo."

Xogta lasoo gudbiyay ayaa sidoo kale lagu sheegay dhacdooyin kale oo falal noocaasoo kale ah uu ku sameeyay ninka jalaatada iibiya.


Waxa guddigu dhaheen: "Ninka lasoo dacweeyay wuxuu qirtay in uu gaarigiisa uga dagay carruurta dartood, sidoo kalena uu watay ul uu kasoo baxsaday gaarigiisa.


"Wuxuu sheegay inuu eryaday balse sababta kaliya ay ahayd inuu ogaado goobta ay daggan yihiin si uu waalidkooda ugu sheego inay dhagaxeynayeen gaarigiisa.


"Intii uu kulanka socday, ninka eedeysanaha ah wuxuu beeniyay qaar ka mid ah qoraalladiisa, isagoo sheegay in uusan eryanin oo uusan wax hub ahna wadanin."

 

BBC

Loading...
Loading...