War Deg Deg Ah:-Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Suxufi Madax Banaan

0
Saturday January 30, 2021 - 00:59:43 in News by
  • Visits: 2469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Suxufi Madax Banaan

    War Deg Deg Ah:-Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Suxufi Madax Banaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Suxufi Madax Banaan

Laascaanood(HWN):-Ciidamada booliska ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xabsiga ku hubsaday wariye Maxamed Bidhaanshe oo ka mid ah war fidiyeenada magaaladaasi.
May be an image of 2 people, people standing and text


wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada booliska somaliland ay goor dhawayd qabteen wariye Maxamed Bidhaanshe oo ku sugnaa gudaha magaalada isla markaana ay saldhiga ku hubsadeen.

wariye Khadar Tarabi oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa Hadhwanaagnews ayaa u sheegay ciidamada amaanku ay xabsiga dhexe ee magaalada ku xidheen wariye Maxamed Bidhaanse isaga oo sheegay in ciidanku ay ku wargeliyeen in loo haysto waraysi uu ka qaaday Col Faysal Faraarug oo ah sarkaal hogaaminaya jabhada ka soo horjeeda somaliland ee SSC.

sidoo kale waxa uu wariye Tarabi u sheegay Hadhwanaagnews inay jiraan warbixino hore oo uu baahiyey wariye Bidhaanshe oo ay ciidamadu carabka ugu dhufteen inay ka mid yihiin waxyaabaha loo xidhay weriyahan.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa wali sii wada talaabooyinka ka dhanka ah wariyeyaasha madaxa banaan iyo xoriyatul qawlka somaliland 

Loading...
Loading...